Waxgaradka Deegaanka Dayaxa Oo Biiniyey In Lagu Muransan Yahay Dhismaha Dugsiga Dayaxa

0
476

Waxgaradka Deegaanka Dayaxa Oo Biiniyey In Lagu Muransan Yahay Dhismaha Dugsiga Dayaxa

Dayaxa(Warsugan) Odayaasha iyo wax garadka Deegaanka Dayaxa ayaa beeniyey islamarkaana waxba kama jiraan ku tilmaamay warar sheegayey in laysku haysto dhismaha Iskuulka qadiimka ee Dayaxa , kaasi oo dunsanaa in badan 50 sanadood ayaa hada dib loo bilaabay dhismahiisa waxaana waxaana dayac tirka dugasigaasi boodhinka ahaa gacanta ku haysa shirkad wadaniya.

Salaadiinta, cuqaasha , Wayeelka iyo waxgaradka deegaanka oo shalay hadhimo sharafeed ku maamuusay wafti balaadhan oo gaadhay deegaanka kuwaasi oo ujeedadoodu tahay sidii dib habayn iyo dayactir balaadhan loogu samayn lahaa dugsigii qadiimiga ahaa ee Dayaxa .

Waxgaradkan ayaa gabi ahaanba meesha ka saaray inuu jiro wax muran ah oo ka dhashay dhismaha, waxaana ay shaaca ka qaadeen inaanay jirin cid isku haysataa dhimaha iskuulka islamarkaana ay dadka reer dayaxa diyaar u yihiin in dib loo dhiso Dusgsigaasi oo taariikh facweyn ku lahaa geyiga somalida .
Mid kamida odayaasha deegaanka dayaxa oo halkaasi ka hadlay ayaa ku tiraabay ” Halkan waxaa yaa waxaa weeye dadweynihii deegaanka dayaxa oo xaqiijinaya, cadaynaya muhmalka, muranka iyo madowga ka saaraya dayaxa inay tahay meel nabdoon cid isku haysataana aanay jiran waa meel heshiis lagu yahay meel wax qabad u diyaara meel cidwalba soo dhawaynaysa”

Sidoo kale mid kamida waayelka deegaanka ayaa sheegay inay farxad tahay in dib loo bilaabo dhismaha dugsigii dayaxa sanado badan ka dib ” Halkan waxaa laysugu yimi in la muujiyo Iskuulkan Dayaxa oo 50 sanadood dunsanaa dibu dhiskiisa farxad aawadeed dadku ku faraxsan yihiin inay yimaadaan oo arkaan wax rab shad ah oo jira dayaxa iyo wax aanu ognahay ma jiraan,”

oday ku hadlaayey afka madax dhaqameedka ayaa waxa uu sheegay inaanay jirin wax xaalad ah oo ka jirta deegaanka dayaxa waxaana hadalkiisii ka mid ahaa ” Halkan waxaa cadaana oo ilaahay arkaa oo umadu aragtaa inaanay belaayo ka jirtaan jirin ilaahay haynaga hayo, wax horumar ah oo loo baahnaa oo reer dayaxa iyo reer sanaag iyo reer somaliland ba u dan noqon doona ayaa laga bilabay oo laga wadaa hadii xoogay la sameeyey borobagaandho ah, anigoo ku hadlaaya afkayga iyo afka madax dhaqameedka hadeer bayhoofka ah intaba waxaan leenahay nabad gelyadu ha noolaato”
Xigasho Wargeyska Warsugan