“Way Mahadsan-tahay Dawladda Imaaraadka Carabtu” Safiir Baashe Cawil Cumar

0
434

“Way Mahadsan-tahay Dawladda Imaaraadka Carabtu” Safiir Baashe Cawil Cumar
Mahadsanid Dawladda Imaaraadka Carabta Ee Ku Midowday Imaaraat Al-Khayr

Dubai (WSN) Safiirka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya Isu-Imaaraadka Carabta ayaa Dawladda Imaaraadka Carabta ee ku midoobay Imaaraat Al-Khayr, uga mahadnaqay deeqaha gargaarka ah ee ay marwalba la barbartaahan yihiin shacbiga Somaliland ee xaalada abaartu saamaysay, haday noqoto abaartii galbeedka iyo ta bariga ee wakhtigan taagan.

Iyadoo Imaaraadku ay marwalba ka war hayaan codsiyada iyo baahiyaha Somaliland uga yimaada, kagana jawaaba gurmad iyo xaqiiqo raadis degdeg ah, waxaana xusid mudan in ay khamiista dalka u soo dirayaan kooxo gurmadka degdega ah ee xaalada caafimaadka la xidhiidha si ay uga qayb noqdaan xanuunada ka dilaacay abaarta.

Safiir Baashe Cawil Cumar oo isagu warqad mahadnaq ah u diray Imaaraadka carabta ayaa yidhi “Jamhuuriyadda Somaliland shacab iyo xukuumadba waxay u mahad naqayaan iyaga oo u haya abaal iyo qadarinba dawladda Imaaraadka Carabta iyo shacabkeedaba mucaawinada ay caawiyeen shacabka Somaliland xili ay aad ugu baahnaayeen, waxay ku reebtay saamayn. Ilaahay casa-wajalle uu u barakeeyey kaalmada iyo taageerada ay u gaysteen walaalahood, wakhti aad u adag oo ay haleeshay masiibo dabeeci ah. Aad ayaad mahadsan-tihiin ilmo Al Zeyd. Waxa aad cadayseen in aad taageero fiican u tihiin muslimiinta, nimcadiina iyo fadligiinana ay farxad geliso quluubta Muslim walba”.