Weerarkii Argagax Lahaa ee xalay lagu Qaaday Hotelka SYL” Muqdisho +Sawiro

0
365

Weerarkii Argagax Lahaa ee xalay lagu Qaaday Hotelka SYL” Muqdisho + Sawiro

Muqdisho(Warsugannews)Waxaa fiidkii Weeraro isugu jira qaraxyo gaadiid laga soo buuxiyay iyo kuwa toos ah lagu qaaday dhismaha Hotelka SYL ee kuyaala goob aad ugu dhaw xarunta Madaxtooyada Soomaaliya.

Weerarka ayaa ku bilowday Qarax gaari laga soo buuxiyay oo lagu dhuftay goob aad ugu dhaw dhismaha Hotelka , waxaana qaraxa kadib halkaasi kuso yaacay rag hubeesan oo loogu tala galay in ay gudaha u galaan dhismaha Hotelka.

Ciidamada ilaalada Hotelka iyo Ciidamo kale oo katirsan Dowlada ayaa dagaal kala hortagay ragii doonayay in ay gudaha u galaan dhismaha Hotelka, waxaana halkaasi lagu dilay qaar kamid ah ragii weerarka kusoo qaaday Hotelka.

Waxaa sidoo kale iyana la dilay rag kale oo doonayay in ay galaan dhismaha Hotelka kuwaa ay ku xidhnaayeen qaraxyo, waxaana ciidankaasi toogtay ciidamo katirsan Nabad Sugida oo goobtaasi gurmad ku yimid sida ay xaqiijisay Hay’ada Nabad Sugida.

In ka badan 15-qof oo isugu jira shacab iyo ciidan ayaa ku dhintay qaraxyada iyo weerarka kale ee caawa lagu qaaday dhismaha Hotelka SYL, waxaa sidoo kale ku dhaawacmay dad ka badan 30-qof oo qaarkood qabaan dhaawacyo culus.

Dadka dhintay iyo kuwa Dhaawacmay ayaa qaarkood waxa ay ku sugnaayeen Beerta Nabad oo ku dhagan Hotelka SYL, Beerta Nabada ayaana aheed goob mashquul badan oo dalxiis iyo nasiino ay u tagaan dadka ku dhaqan magaalada Muqdisho .

Xaalada Hotelka SYL ee Caawa la weeraray ayaa ah mid dagan, waxaana xiligan halkaasi gacanta ku haya ciidamo katrsan Hay’ada Nabad Sugida Qaranka gaar ahaan Ciidamada gaarka ah ee Gaashaan.
1

2

3

4

5

6