Wefti Imaaraadka ka socda oo dalka soo gaadhay saaka kana fulindoona mashaariic tiro badan oo ay soo kormeereen + Sawiro

0
660

Wefti Imaaraadka ka socda oo dalka soo gaadhay saaka kana fulindoona mashaariic tiro badan oo ay soo kormeereen + Sawiro

Hargeysa(Warsugannews)WAR-SAXAAFADEED-18/03/2016-Madaxwayne ku xigeenka JSL, ahna ku simaha madaxwaynaha Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan C/laahi Ismaciil (Saylici), ayaa maanta hoolka shirarka ee qasriga Madaxtooyada ku qaabilay wafti balaadhan oo ka socda Isu-tagga Imaaraatka Carabta ee (U.A.E).

Waftigan Imaaraadka oo ka koobnaa 10 xubnood oo uu hogaaminayay guddoomiyaha hay’ada Imaraadka Carabta u qaabilsan Arrimaha Diinta & Awqaafta, oo booqasho ku yimid dalka saaka.

Madaxa waftiga ayaa si weyn uga mahadnaqay soo dhawaynta uu kala kulmay Dawlada Somaliland iyo Shacbigeeda, laga bilaabo markii ay ka soo degeen dhabaha diyaaradaha ee Cigaal international Airport ilaa iyo intii uu maraayay xarumaha dawladda Somaliland ee uu boqday.

Madaxa waftiga hogaaminaayey Mudane Maxamed Madar Saalim Al-kacbi wuxuu ka xog waramay sida uu dalkoodu u ahaa dhowr iyo soddon sano ka hor goob lama degaan ah oo faqri iyo aqoon darro taallo, maantana dalkaasi u noqday mid ka mid ah dalalka ugu hormarsan dunida, taasi oo ku timid, ayuu sheegay madaxa waftigu hogaaminta wanaagsan ee sheikh Saa’id Binu Suldaan Aala Nahiyan, waxaana uu intaa ku daray inuu halkan ka arkay in dalkan uu hogaaminayo Mudane Axmed Maxamed Silanyo iyo Madaxwayne ku-xigeenkiisuba ay si wanaagsan oo horumar lagu gaadhayo ay ku hogaaminayaan dalka Somaliland.
Wuxuu intaa ku daray in waxkasta oo karaankooda ah oo ay la qaban karaan aanu dalka Imaaraadku kala hadhaynin dalka Somaliland oo uu u arko dal walaalo ah Carab ah oo Islaam ah.

Isagoo ka hadlaya noocyada taageero ee ay u fidinayaan Somaliland, wuxuu sheegay inay dhisme u samaynayaan Idaacada Qur’aanka kariimka ah ee wasaarada warfaafinta wacyi galinta iyo dhaqanka, isla markaana ay ugu tababari-doonaan Shaqaalaha ka hawl-gala Idaacada Qur’aanka Kariimka ah Isu-tagga Imaaraadka Carabta.

Waxaa uu intaa raaciyay inay mashaariic ka fulin doonaan Xarunta Agoomaha Hargaysa, sidoo kalena ay jaamacada hargaysa gaar ahaan qaybta kulliyada daraasaadka Islaamiga ah ay si weyn wax ula qaban doonaan, taasina ay heshiis kala saxeexanayaan maamulka sare ee Jaamacada Hargaysa.

Madax waftigu waxaa uu ka codsaday Madaxwayne ku xigeenka ahna ku simaha madaxwaynaha inuu salaan sharaf ka gaadhsiiyo Madaxwaynaha JSL Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo oo uu ku sifeeyay inuu muujiyay hogaamiyenimo wanaagsan sida uu ka arkay dalka intuu ku sugnaa.

Dhinaca Somaliland Madaxwayne ku xigeenka JSL ahna ku simaha Madaxwaynaha wuxuu si weyn uga mahadnaqay hogaanka isu-tagga Imaraadka Carabta kuwaas oo uu ku tilmaamay inay gurmad laxaad leh oo qiimo badan u yeesheen Somaliland gaar ahaan intan abaarta ba’ani jirtay, iyadoo ayuu sheegay ku simaha madaxwaynuhu in ay dhowr jeer Imaaraadku keenen mucaawimo ay ku jirto kaalmo dhinaca ceelasha biyaha ah haatana uu taagan yahay dekada Barbara deeq mucaawimo ah oo ay Imaaradku leeyihiin oo loogu talo galay dadka abaaruhu ku habsadeen.

Waxaanu raaciyay ku simaha Madaxwaynuhu in mucaawimo intaa ka badan waliba laga sugayo dalka Imaaraadka Carabta, gaar ahaan wakhtigan ay sii baahday abaartu, dadiina ay u dhimanayaan xaalada abaaraha, iyadoo ay xooluhuna ka horeeyeen.

Ugu Danbayntii ku simaha Madaxwaynuhu wuxuu ka dalbaday madaxa waftiga in mahadnaq iyo salaan ka gaadhsiiyaan amiirka isu-tagga Imaaraadka Carabta, Sheekh Saa’id Binu Suldaan Aala Nahiyan, xukumadda iyo shacbiga Imaaraadka, waxaana uu halkaa ku gudoonsiiyay kusimaha Madaxwaynuhu Shahaado sharaf madaxa waftiga Maxamed Madar iyo Hay’ada Sheikh Saa’id Foundation ee u qaabilsan Imaraadka gargaarka.

Waftigu intii ay dalka joogeen oo ahayd galinkii hore ee Jimacaha waxay indho-indheeyeen xarumaha wasaarada warfaafinta, iyagoo shir la qaatay wasiirka wasaarada warfaafinta JSL Mudane Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (Cadaani) oo si gaara uga waramay xaalada abaarta dalka ka jirta, oo ay ku wahelinayeen wasiirku xigeenka wasaarada warfaafinta Marwo Shurgi Xariir Ismaciil, iyo masuuliyiinta kala duwan ee wassaaradda.

Waxay kale oo ay mareen waftigu xarunta cusub ee loo dhisayo wasaarada diinta iyo awqaafta iyagoo halkaa warbixin kagaga dhagaystay wasiirka diinta iyo awqaafta mudane Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed oo waftiga dhiggiisa ah gadhwadeen u ahaa intay dalka joogeen, waxaa kale oo ay mareen xarunta agoomaha ee hargaysa oo ay warbixin kaga dhagaysteen masuuliyiinta xaruntaasi ka masuulka ah oo ay horkacayso Marwo Caasha Maxamuud Qaalib, waxay kaloo mareen xarunta jaamacada hargaysa halkaasi oo ay kulan balaadhan kula qaateen Guddomiyaha Jaamacada Hargaysa Prof. Maxamuud Yuusuf oo ay waheliyaan masuuliyiinta kale ee Jaamacadu oo uu ka mid ahaa hormoodka daraasaadka islaamiga ah Prof Bade.

Weftigan iyo socdaalkooda dalka waxa xidhiidhinaayey Safiirka Somaliland ee isu-tagga imaaraadka carab Amb. Baashe Cawil Cumar oo isagu hawlo shaqo awgeed aan u soo raacin.

Madaxda dalka Somaliland ka socotay ee dalka ku soo dhawaysay weftiga waxa ka mid ahaa Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Duulista iyo Hawda Axmed Nuur Faahiye, Agaasimaha Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Saleebaan Siciid Cali, Gudoomiyaha Diwaanka Sekeda Sheekh Siciid Maxamed Faarax, iyo Agaasimaha Habmaamuuska Madaxtooyada Cabdiraxmaan Maxamuud Ibraahim (Saqadhi).

DSC_0003

DSC_0009

DSC_0012

DSC_0014

DSC_0016

DSC_0018

DSC_0020

DSC_0021

DSC_0022

DSC_0026

DSC_0030

DSC_0031

DSC_0034

DSC_0037

DSC_0044

DSC_0048

DSC_0052

DSC_0065

DSC_0071

DSC_0072

DSC_0073

DSC_0076

DSC_0077

DSC_0078

DSC_0081

DSC_0089

DSC_0093

????????????????????????????????????
????????????????????????????????????

DSC_0101

DSC_0102

DSC_0105

DSC_0109

DSC_0135

DSC_0139

DSC_0143

DSC_0145

DSC_0149

DSC_0151

DSC_0152

DSC_0154

DSC_0155

DSC_0156

DSC_0158

DSC_0163

DSC_0168

DSC_0176

DSC_0180

DSC_0183

DSC_0189

DSC_0190

DSC_0194

DSC_0202

DSC_0204

DSC_0210

DSC_0222

DSC_0226

DSC_0227

DSC_0232

DSC_0233

DSC_0234

DSC_0236

DSC_0242

DSC_0248

DSC_0250

DSC_0257
ALLAA MAHAD LEH
Cabdiraxmaan Sh. Cilmi Fahiye (Shamax)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.