Wefti uu hoggaaminayo Wasiirka Duulista oo Turkiga ka qayb-galaya Wada hadal lagu xallinayo Muranka Hawada & Qodobbada Miisaanka U Saaran Somaliland

0
389

Wefti uu hoggaaminayo Wasiirka Duulista oo Turkiga ka qayb-galaya Wada hadal lagu xallinayo Muranka Hawada & Qodobbada Miisaanka U Saaran Somaliland

“Muranka ka taagan Mashruuca Hawada xal u noqon maayo Xamar oo laga taago Taawar laga maamulaa, annaguna yeeli mayno wax Qarannimada ummaddayada meel ka dhac ku ah” Wasiirka Duulista Somaliland, Maxamuud Xaashi Cabdi

Hargeysa (warsugannews) – Wefti uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Duulista Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa maanta Safar shaqo ugu ambo-baxay dalka Turkiga oo ay kaga qayb-galayaan wada hadallo lagu xallinayo khilaafka Maamulka hawada oo dawladda Turkigu fududeysay.

Wasiirka Duulista Somaliland oo ay safarkiisa ku wehelinayaan afar xubnood oo ka mid ah Wasaaradda Duulista Somaliland ayaa shir jaraa’id oo uu Saxaafadda u qabtay ka hor inta aanay ka dhoofin Madaarka Cigaal ee Hargeysa faahfaahiyey ujeeddada Shirk aka furmaya dalka Turkiga iyo Mowqifka dawlad ahaan ay ka taagan yihiin muranka ilaa hadda ka taagan maamulka hawada Soomaaliya iyo Somaliland.

Wasiir Xaashi oo arrimahaa ka hadlayaana waxa uu yidhi “Wefti ka kooban aniga iyo afar xubnood oo kale waxaanu galabta u baxaynaa Waddanka Turkiga oo aanu kaga qayb-galeyno shir dawladda Turkigu nagu Casuuntay. Shirkaa waxa lagaga wada hadlayaa Masiirka iyo Mustaqbalka Murankii ka taagnaa mashruucii Hawada ee dalkii la isku odhan jiray Soomaaliya ee imikana noqday Somaliland iyo Soomaaliya. Shirkaa waxa ka qayb-galaya Dawladaha Somaliland, Turkiga, Soomaaliya iyo hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Maamulka Hawada ee ICAO oo Mashruucan gacanta ku haysa imika. Sidaynu la wada soconno Mashruucan ay gacanta ku hayso Hay’adda ICAO muddo dheer ayuu wada hadalkeedu soconayey ismaan dhaaf iyo is afgaran waa baa ka soo baxay, markaa shirka aanu Turkiga u tageyno waxa loo qabanayaa inuu xalliyo khilaafaadkaas, waxaanu ILLAAHAY ka rajeynaynaa inaanu Xallinno”

Wasiirka Duulista Somaliland waxa uu ka waramay waxa u qorsheysan inay la hor-fadhiistaan weftiga ka imanaya dhanka Soomaaliya “Haddii aanu nahay weftiga Wasaaradda Duulista ee ka tagaya Somaliland annaga oo ka masuula Xukuumadda iyo Qaranka intiisa kaleba waxaanu xambaarsannahay farriimo iyo Mabda’a cad iyo aragti cad, waayo ? waxaanu ku doodeynaa waa wixii ummaddani xaqa u lahayn, wax ummadda Somaliland xaq u leedahayna gorgortan ka geli mayno oo cidna uga tagi mayno, lanagama gacan maroojin karin oo lanagama caqli badin karo, waxaanu difaaceyno ee aanu doonaynaana waa waxaas. Waxaanu shacabka Somaliland iyo Qoomiyadaha kale ee Soomaalida u caddeynaynaa inaanu nahay Qaran wixii ay galaan oofinaya, waxa kale oo aanu caddeynaynaa inaanu jecelahay in arrintaa is-afgarad lagu xalliyo, taana Macnaheedu maaha inaanu soo debacnay oo wixii aanu hore u lahayn burinayno ama aanu ka tanaasulay” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray oo uu tilmaamay in shirkani ka miisaan culus yahay kuwii hore “Shirkan waxaan is leeyahay waa shir ka miisaan weyn shirarkii hore, waayo ? hala isku afgarto ama yaan la isku afgarane waa shir afara geesood ah, waa markii u horeysay ee hay’addii gacanta ku haysay Hawada, dalka Turkiga oo waddanka markii hore wada hadalka iyo labadayadii dhinac, markaa waxaan is leeyahay waa shir ka culus shirarkii hore, waana shir aan siyaasad kale Salka ku haynin ee arrintan uun dulucdeeda abbaaraya, arrimihii hore iyo wixii la iska yidhina halkii bay yaallaan, imikana Somaliland waxa Miiska u yaala saddex aragtiyood oo kala ah, in heshiiskii hore ee Istanbul in la fuliyo oo Mashruucaasi noqdo mid isku jira oo guddi Madax-bannaani oo labada dal ka kooban maamusho, halka Mashruuca laga maamulayaana tahay Caasimadda Hargeysa, in Mashruuca loo qaybiyo Somaliland iyo Soomaaliya farsamo ahaanna waa looga wada hadli, qodobka saddexaad ee noo muuqda waxa weeyaan in Qaramada Midoobay ama dal saddexaad loo dhiibee in gacanta loogu hayo inta Soomaali wax loo qaybinayo”

Maxamuud Xaashi Cabdi, Wasiirka duulista hawada iyo gaadiidka Cirka Somaliland waxa uu tilmaamay in Taawar dawladda Soomaaliya ka taagtay Muqdisho si looga Maamulo Hawada Somaliland iyo Soomaaliya aanu xal u noqonayn khilaafka jira “Muranka ka taagan Mashruuca Hawada xal u noqon maayo Xamar oo laga taago Taawar laga maamulaa, annaguna yeeli mayno wax Qarannimada ummaddayada meel ka dhac ku ah”ayuu yidhi, oo uu hadalkiisa ku soo gabogabeeyay Wasiir Xaashi.

Sadexda xubnood ee Wasiir Xaashi safarkaasi ku wehelinayey ayaa kale ahaa Wasiir ku xigeenka Duulista Saciid Cabdi Maxamed, Agaasimaha Duulista Saciid Mahadi Ileeye, iyo La Taliyaha Wasiirka, Axmed Cumar Caga-dable.
IMG_0420

IMG_0425

IMG_0435

IMG_0444

IMG_0446

IMG_0452

IMG_0455

IMG_0457

IMG_0460

IMG_0467

IMG_0480

IMG_0481

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here