Weftiga KULMIYE oo si wayn loogu Qaabilay Degmada Qoryaale + sawirro‏

0
528
????????????????????????????????????

Qaabilaaddii Quruxda Badnayd iyo Qadadii Reer Qoryaale ee Weftiga KULMIYE

Mowqifka siyaasadeed iyo ballanqaadka shacabka deegaanka + xiisaha iyo xamaasadda loo muujiyey murrashaxa Madaxweynaha KULMIYE Muuse Biixi

Qoryaale (Warsugannews)- Dadweynaha ku dhaqan degmada Qoraale ee Gobolka Togdheer, ayaa si ballaadhan u qaabilay wefti culus oo ka kooban hoggaanka KULMIYE iyo wasiirro xukuumadda ka tirsan oo uu hoggaamiyo Guddoomiyaha iyo murrashaxa xisbal-xaakimka Somaliland ee KULMIYE Md. Muuse Biixi oo booqasho qayb ka ah socdaal ay ku marayaan gobolka ku tagay deegaanno ka mid ah dhinaca bariga maanta.

Weftiga oo ka ambabaxay magaalada Burco ee xarunta Togdheer saaka, ayaa si wayn loogu soo dhaweeyey degmada Qoryaale oo qiyaastii ilaa 70KM dhanka bari kaga beegan magaalo-madaxda Gobolka ee Burco, waxaanna dadweynaha ku nool guud ahaan degaamada hoosyimaada degmadaasi muujiyeen taageerada ballaadhan ee ay u hayaan xisbiga KULMIYE iyo murrashaxiisa jagada madaxweynaha Mudane Muuse Biixi Cabdi, iyadoo dad fara badan oo ku nool magaalada Ina Afmadoobe iyo tuulooyinka kale ee teedsan waddada laamida ee bariga uga baxda Burco ay safaf u galeen soo dhawaynta madaxda iyagoo lulayey caleemo-qoyan iyo calamada xisbiga iyo ka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, kuwaas oo Guddoomiyaha KULMIYE iyo masuuliyiinta wehelinayeyba kaga dareen-celinayeen salaan gacan-qaad iyo erayo mahadcelin ah.

Sidoo kale, magaalada Qoryaale ee xarunta degmada oo xudun u ahayd safarka weftiga, ayaa qaybaha dadweynaha ku dhaqan ee leh madaxdhaqameed, maamul, waxgarad, culimo, dumar iyo dhallinyaro aanay u kala hadhin soo dhawayn qurux badan oo ay u sameeyeen weftiga oo barxad looga sii asteeyey magaalada dhexdeeda loogu diyaariyey qaabilaad ay ka qaybqaadanayeen koox dhallin da’doodu yaryar tahay oo tumayey muusiga ciidammadu u garaacaan madaxda oo lagu carbiyey iyo kooxo rag iyo dumar ah oo ciyaaro-dhaqameed isku-laba rogayey, isla markaana hoggaamiyayaasha bulshada iyo waxgaradkuba waxay hadal iyo suugaanba ku soo bandhigeen mowqifka siyaasadeed ee deegaanku aaminsan yahay inuu yahay xisbal-xaakimka KULMIYE iyo taageero buuxda oo ay la garab-taagan yihiin murrashixiintiisa madaxnimada ee doorashada dambe.

Ugu horreyn, Guddoomiyaha degmada iyo Guddoomiyaha Guddiga Beesha Gaashaan-buurta Axmed Faarax (Habarjeclo) oo ka hadlay xafladdaasi, ayaa soo dhawaynta weftiga kadib ka hadlay mowqifka siyaasadeed ee bulshada deegaanka iyo aragtidooda Murrashaxa Madaxweynaha KULMIYE Muuse Biixi oo ay ku tilmaameen inuu yahay hoggaamiye abaal badan ku leh dalka oo ay si cad u barbar-istaagayaan.

“Weftiga qiimaha leh waxaan u sheegayaa beeshan iyo deegaankani waa halkii laga bilaabay xisbiga KULMIYE intii doorasho dhacdayna ma jiro xisbi kale oo laga doortay guud ahaan degaankani, maantana waa KULMIYE oo waa u diyaar, waanu ku xisaabtamayaa. Markaa annagu maanu digo-rogan ee halkii baanu joognaa aannu ka bilownay, idinka ayaan onkod la idiinku sheegin madfac ee arrintu waa halkeedii.” Sidaa waxa yidhi Guddoomiyaha Guddiga Beesha Gaashaan-buurta Axmed Faarax (Habarjeclo) Sheekh Aadan Cabdi Ismaaciil.

Sidoo kale, Caaqil Xasan Nuux Yare, Oday Siciid Cumar Gawaadhi, xubno isugu jiray aqoonyahan, waxgarad iyo haween oo madasha hadallo ka jeediyey, ayaa iyaguna caddeeyey in bulshada deegaankoodu taageero buuxda u hayaan xisbal-xaakimka iyo murrashax Muuse Biixi oo ay u sameeyeen ballanqaad cad sida Caaqil Xasan yidhi, “Murrashax Muuse Biixiyow waxaannu kuugu ballanqaadaynaa in aannu ku soo dhawaynayno oo diyaar u nahay doorashada dambe ee aad u taagan tahay, waxaannan leeyahay reer Qoryaale ballanqaadkaasi aad qaadeen oofiya.”

Dhinaca kale, xubno ku jiray madaxda weftiga oo ay ka mid yihiin; Wasiirrada Wasaaradaha Hawlaha Guud Md. Cali Maxamed Xasan (Marreexaan), Duulista Hawada Md. Cismaan Cabdillaahi Saxardiid (Caddaani) iyo Macdanta iyo Tamarta Md. Xuseen Cabdi Ducaale iyo weliba Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee xisbiga KULMIYE Maxamed Kaahin Axmed, ayaa khudbado ay halkaa ka jeediyeen farxad iyo mahadcelin kaga dareen celiyey soo dhawaynta qiimaha badan ee reer Qoryaale u sameeyeen Guddoomiyaha KULMIYE iyo weftigiisa, waxaanay ku booriyeen inay taageeradooda ka dhabeeyaan doorashooyinka soo socda, isla markaana ay ka wada qaybgalaan diiwaangelinta lagu qaadanayo kaadhka codbixinta ee laga bilaabayo Gobolka Togdheer Sabtida.

Ugu dambayntii, Guddoomiyaha, ahna murrashaxa Madaxweynaha KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa hadal kooban oo uu ku soo xidhay xafladdaasi si wayn ugu mahadnaqay dadweynaha reer Qoryaale soo dhawaynta ay u sameeyeen, isla markaana u ballanqaaday inuu qaadanayo wixii talo iyo tusaale ah ee ay u gudbiyeen.

Geesta kale, weftiga KULMIYE waxa magaalada Qoryaale loogu sameeyey casuumad qado ballaadhan oo Geel loo qalay ahayd, taas oo markii ay dhammaysteen Guddoomiyaha, wasiirrada iyo Badhasaabka Burco oo wehelinayey ay xadhigga ka jareen dhisme loogu talogalay in ardaydu seexato oo lagu kordhiyey dugsiga sare ee hoyga Qoryaale, sidoo kalena waxay dhagax-dhigeen qayb kale oo cusub.