Weftigii ka koobnaa Wasiirada Xukuumadda JSL ee ku sugnaa Gobolada Barri qaar ka mida ayaa Maanta ka qaybgalay shirwaynaha beesha yoonis Adaraxman (reer yoonis) oo maalmahanba ka socday duleedka magaalada caynabo

0
351

Waftigii ka koobnaa xubnaha golaha wasiirada oo howlaha shaqo u jooga gobolka saraar xaruntiisa caynabo ayaa maanta booqday shirwaynaha beesha yoonis Adaraxman (reer  yoonis) oo maalmahanba ka socday  duleedka magaalada caynabo.

Caynaba(Warsugannews) wafti uu hogaaminayo wasiirka wasaarada arimaha gudaha somaliland cali maxamed warancade oo ay weheliyaan wasiirada madaxtooyada, howlaha guud iyo wasiir ku xigeenka wasaarada kalluumaysiga  oo safar shaqo ku joogay  magaalada caynabo ee xarunta gobolka saraar ayaa maanta booqday  goobta uu ka socdo shirwaynaha TALO IYO TOOSIN  ee  beesha  yoonis adaraxman (reer  yoonis) ee degta gobolka saraar.

waftiga ayaa markii ay goobta gaadheen waxa si diiran u soo dhaweeyey  salaadiintii iyo odayaashii  halkaasi shirku uga socday, waxaanay waftigu goobta ka jeediyeen hadlo kooban oo bogaadin iyo dardaaran isgu jira,

Wasiiiirka wasaarada Arimaha gudaha somaliland cali maxamed warncade oo  goobta ka hadley ayaa aad ugu bogaadiyey beeshan shirka muhiimka ah ee ay qabsadeen, waxaanu intaa ku daray in muhiimada shirka laga garanayo muuqaalka goobta oo aad loo qurxiyey si wayna looga shaqeeyey, wasiirka ayaa salaadiinta, cuqaasha iyo odayaasha beesha kula dardaarmay inuu shiirku noqdo mid sida beesha looga bartay  ay ka soo baxaan qodobo wanaaga iyo nabadaba ka shaqeeya sidoo kale wasiir warancade ayaa dadweynihii shirka joogay  iyo bulshada reer caynababa kula dardaarmay inay qaateen kaadhadhka diwaangalinta ee codbixiyayaasha iyo ka muwaadinkaba marka ay halkooda soo gaadho.

 

Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi oo isna goobta ka Hadley ayaa aad u bogaadiyey qaybaha kala duwan ee odayaasha beesha  waxaanu ku amaanay sida midnimada leh ee ay shirka u qabsadeen iyo qaban qaabada wanaagsan ee ka muuqata shirka, wasiirka ayaa beesha shirka qabsanaysay ku sifeeyey inay yihiin mid facwayn ku leh gobolka iyo guud ahaan beelaha somaliland oo ku caana ka shaqaynta wanaaga iyo nabada,waxa kale oo uu intaa ku daray inay markasta beeshu dawladda kala shaqayso hurumarka iyo sugida amaanka, maxamuud xaashi cabdi wasiirka wasaarada madaxtooyada somaliland waxa kale oo uu beesha kula dardaarmay inay markasta ka shaqeeyaan adkaynta qarannimada, amaanka iyo hurumarinta gobolkaba.
suldaanka guud ee beesha bariga  burco suldaan c/laahi suldaan cali oo shirkan ka hadley, Ayaa isaguna halkaasi ka soo jeediyey hadalo dardaaran iyo duco isugu jira,ugu horayna waxa uu hambalyo iyo bogaadin u diray guud ahaan beesha adaraxman yoonis(reer yoonis) ee shirka qabsatay, suldaan c/laahi suldaan cali, ayaa beesha  kula dardaarmay inay marwalba iskuduubnaadaan oo wanaaga iyo khayrka ka shaqeeyaan,waxaanu ugu duceeyey in illaahay shirkaa ka dhigo mid khayr iyo wanaag soo kordhiya oo wanaaga iyo nabadana ka shaqeeya, suldaanka ayaa u soo jeediyey guud ahaan shacabka somaliland, gaar ahaana shacabka gobolada bariga in ay xukuumada wax qabadkeeda sheegaan wixii ay khaladayna sheegaan sidoo kalana ay kala saaran wasiirada waxqabadka muujiyey iyo kuwa aan waxba qaban, oo intii waxqabad la timadaa lagu taageero oo lagu bogaadiyo kuwa hawshooda ku fashilmayna runta loo sheego oo layidhaa kaasi waxba muu qaban, taas  ayaa idiin wanaagsan ayuu suldaanku yidhi. Halka aad kawada dhaliilaysaan masuulka wax qabtay iyo ka aan waxba qaban.

Ugu danbayntiina suldaanka guud ee beesha bariga  burco suldaan c/laahi suldaan cali ayaa u duceeyey dawlada iyo somaliland iyo xukuumada haatan talada dalka haysa,waxaanu illaahay ka rajeeyey in xukuumadaha ka danbeeyana noqdaan kuwo khayr leh oo wanaaga iyo wadada saxda ah marwalba inagu hogaamiyaan.1 2 3 4 12435653_941528509262260_12171585_n 12435883_941530645928713_220898124_n 12435907_941531152595329_468701700_n 12442813_941530602595384_672178873_n 12442975_941531215928656_1900037766_n 12443151_941528472595597_2125176849_n 12443180_941530635928714_1492371098_n 12459702_941531342595310_741213138_n 12459766_941530525928725_906577143_n (1) 12459766_941530525928725_906577143_n 12459953_941530559262055_1641779711_n 12460046_941531355928642_950370704_n 12460049_941530655928712_1625246946_n 12460123_941531245928653_774406680_n 12463461_941531159261995_569127214_n 12463829_941531352595309_114549403_n 12463847_941531302595314_1043815290_n 12468087_941528409262270_371841538_n 12468146_941531265928651_1703314545_n 12476135_941531309261980_2003232887_n 12483369_941530555928722_1073176950_ne ku