Weriye Xamse Cali Bulbul oo shaqadii Agaasimaha Star Tv iska Casilay

0
400

Weriye Xamse Cali Bulbul oo shaqadii Agaasimaha Star Tv iska Casilay

Waxa si lama filaana shaqadii Agaasimenimo ee Television ka Star TV uga tegay Weriye Xamse Cali Bulbul oo ahaa Agaasimihii Guud ee TV ga Star, ka dib markii aanu la xidhiidhnay ee aanu wax ka waydiinay wararka la isla dhex maraayo ee ay warbaahinta qaarna baahiyeen, waxaanu xamse noosheegay in arrintaasi ay jirto balse uu isagu iskii shaqada uga tegay cid ku khasabtay iyo waxa eeda oo uu cid ka tirsanayaana aanay jirin.

Xamse oo hore uga soo shaqeeyey Tv-yada Horn cable Tv iyo Tv-ga Qaranka Somaliland oo uu ka soo qabtay boosas muhiima oo ay ka mid ahaayeen madaxii wararka ee Tv-yadaasi oo uu isagu iskii u shaaciyey inuu ka tanaasulay shaqadii uu u hayey laamahaasi warbaahineed ayay tanina ku soo beegmaysaa iyadoo noqonaysa midkii saddexaad ee uu Xamse iskii uga dhaqaajiyo, waana mid cadayn u ah in weriye Xamse yahay shaqsi kalsooni ku qaba naftiisa iyo hawlkarnimadiisa shaqo, hadii lagu soo farageliyana uu baneeyo shaqada gebi ahaanba kana tanaasulo shaqada uu ka hayey institutions ka.

hadaba waxa aynu sugnaaba waa halkuu markana ka soo muuqdo ee uu u wareejiyo mihnadiisa shaqo ee uu caanka ku noqday intii uu ku dhex jiray warbaahinta Somaliland.