Xalka Ugu Dhow Saamiga Kuraasta Baarlamaanka Ee Gobolada Somaliland: Muhiimada Uu Xalkani Qaranka Ugu Fadhiyo

0
481

Xalka Ugu Dhow Saamiga Kuraasta Baarlamaanka Ee Gobolada Somaliland: Muhiimada Uu Xalkani Qaranka Ugu Fadhiyo

Marka Laga Hadlayo Baarlamaanka Oo Ku Salaysan Degmooyinkii 1960 Ay Doorashooyinku Ka Dhaceen Oo Gobolo Isu Bedelay,

Kuraasta Baarlamaanka Ee Gobolada Somaliland Waxay Ku Salaysan Tahay Saamigii Degmo Doorashooyinkii 1960-Kii Oo Degmo Kasta Lagu Dhuftay 2.5, Waana Halbeeg Aan Suurta Gal Ahayn In Laga Noqdo Waayo Jiritaanka Somaliland Waxa Halbeeg U Ah Xuduudihii Ingriiska (Somaliland Protectorate), Halbeegaas Waxa Kale Oo Aynu U Qaadanay Abuuritaankii Dastuurka Jsl Qodobadiisa Aasaasiga Ah Sida Xuduudaha, Baaxada Dhulka, Sida In Deegaanadu Yihiin Sidii 1960 Kii, Jinsiyada Muwaadinka Somaliland Oo Lagu Saleeyey Beelihii Deganaa Somaliland 1960.

Marka Laga Hadlayo Baarlamaanka Oo Ku Salaysan Degmooyinkii 1960 Ay Doorashooyinku Ka Dhaceen Oo Gobolo Isu Bedelay, Iyada Oo Tiradii Degmo Kasta Oo Lagu Dhuftay Laba Iyo Badh.

Kuwaas Oo Kala Ahaa 1960gii: Hargeysa 7 Xubnood, Burco 6 Xubnood, Boorama 5 Xubnood, Berbera 5 Xubnood, Cerigaabo 5 Xubnood, & Laascaanood 5 Xubnood,

Haddaba Iyada Oo Jiritaanka Qaranimada Somaliland Oo Halbeegeedu Yahay Calankii Aynu Qaadanay 1960-Kii Suurta Gal Maaha In Laga Tago Halbeegaas Marjaca U Ah Jirtaanka Somaliland, Waayo Haddii Aynu Ka Dhaqaaqno Waxa Meesha Ka Bixi Doona Jiritaanka Qaranimada Somaliland Ee Aynu Maanta Ku Dhisanahay, Isla Markaasna Ma Jiro Halbeeg Kale Oo Aynu Ku Heshiin Karno.

Haddaba Fikirka Odhanaya; Dadka Hala Tira Koobo Oo Kuraasta Ha Loo Qaybiyo Tirada Dadka, Waxaa Jirta Oo Xaqiiq Ah Haddii Gobol Dad Badan Yahay Gobolkalena Wuu Dhaqaale Badan Yahay, Gobolkalena Waa Dhul Balaadhan Yahay.

Tani Waxa Ay Muujinaysaa In Gobol Waliba Muhiimadiisa Leeyahay Oo Khayraadkiisa Leeyahay Oo Bedkiisa Leeyahay Oo Baahidiisa Leeyahay Sidaa Owgeed Haddii Gobol Wax Loo Kordhiyo, Gobolkalena Waa In Loo Kordhiyo Islamarkaa Kuwa Kalena Waa In Loo Kordhiyo Tiro Isku Mid Ah. Iminka 2.5 Ayaa Lagu Dhuftay, Waxaan Leeyahay 3.5 Baa Inoo Furan Oo 4.5 Iyo Kabadan Baa Inoo Furan Inaynu Ku Dhufano Ama Laban Laabno Laakiin Waa In Aynu Sharciyada Iyo Dastuurka Waafajinaa.

Hadaba Waxa Aan Hadalkayga Ku Soo Ururinayaa Jiritaanka Qaranimada Soomaaliland Uma Taagna Beelo, Waxayse U Taagan Tahay Khariiradii Iyo Qaab Dhismeedkii Degmooyinkii 1960, Maantana Kuma Dhismi Karto Qaab Beelo Lagu Saleeyo Waayo Beelaha Somaliland Degani Waxay Degaan Gobolo Iyo Wadamo Kale.

Gobolkii Ay Wax Ka Maqan Yihiin Halbeega La Dhuftay 2.5 Tirooyinkii 1960 Xaqbuu U Leeyahay In Uu Raadsado Waana In La Siiyaa.

Aqoon Yahan Saleban Ibrahim Maxamud

Khayreibrahim@Outlook.Com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here