Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa oo Buugaag tiro ah gaadhsiisay Degmada Go’da-wayn.

0
451

Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa oo Buugaag tiro ah gaadhsiisay Degmada Go’da-wayn.

Go’da-wayn (Warsugannews)-Seeska Hiddaha iyo Dhaqanka oo sannadahan u danbeeyeyba ku guda jirey barmaamijka Buugaag Geeddi ah (Moving Library) ayaa gaadhay degmooyin cusub. Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa (Hargeysa Cultural Center), waxa ay buugaag tiro ah gaadhsiisay degmada Go’da-wayn oo ka tirsan gobolka Saaxil.

Kulan ay iskugu yimaaddeen maamulka degmada, hawl wadeennada Xarunta Dhaqanka iyo boqolaal arday oo wax ka barta dugsiyada degmada Go’da-wayn ayaa ka dhacay hoolka shirarka Dawladda Hoose ee degmadaaasi, waxaana goobtaasi lagu wareejiyay masuuliyiintii degmada buugaag tiradoodu kor u dhaaftay boqol buug oo ay sidday Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa. Maamulka degmaduna waxa ay u qoondeeyeen baradii laga dhisi lahaa Rugta Kutubta ee Degmada.

Madashan waxa ugu horeyn ka hadlay Axmed Ibraahin Cawaale oo ah qoraa deegaan yaqaan ah, kana mid ahaa weftiga ka socday Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa,waxaanu bulshada kula dardaarmay inay sida ugu wanaagsan uga faa’idaystaan cilmigan loo keenay.

“In badan ayaan halkan idiinku imid oo aynu mashaariic ka wada hadalnay, laakiin maanta maaha kani mashaariicdii aad taqaaneen, maanta waxaanu idinla soconaa waxqabad aqooneed,waa buugaagtaa horteena taalla, waa socdaal aqooneed.Aqoonta markaannu ka hadlayno maaha waxbaanu idin dheernahay, waxa weeyi aqoontu waa laba dhinac wax badan ayaanu idinka idiin tirinaynaa oo aanu rabnaa in aanu idinka faa’idno”ayuu yidhi Axmed Ibraahin Cawaale.
Waxaanu ka waramay waxyaabaha ay u taagan tahay Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa iyo hiigsiga laga leeyahay in degmada Go’da-wayn yeelato meel wax akhris lana tartanto magaalooyinka kale ee dhiggeeda ah.

“Hawshan koley waxaan filayaa inaad hore u kulanteen Jaamac Muuse Jaamac oo aas aase ka ah Xarunta Dhaqanka Somaliland, waa xarun ka shaqaysay dhaqanka soo noolaysiintiisa, xoojinta wax akhriska iyo qorista, raad badan ayay dalka ku leedahay ha noqoto Hargeysa ama gobollada’e
Barmaamijka oo la xidhiidhay Fikirka Buugaagta Geeddiga ah (Moving Library) oo sannadihii u danbeeyey ay Seeska Hiddaha iyo Dhaqanku ka wadday dalka, waxa uu Axmed Ibraahin Cawaale sheegay in ay guul u tahay Go’da. Wuxuu yidhi Axmed Ibraahin Cawaale “Magaalooyinkii markii meelo badan la soo taataabtay ayaa la is yidhi bal haddaba dhaqankii wax qoris iyo akhriseed halagu fidiyo miyigii. Farxad wayn ayay noo tahay inay Go’da-wayni noqoto meelihii ugu horeeyay ee laga aas aasay ama laga sameeyay Maktabado oo barnaamijkaasi wax akhriska iyo qoristuna halkaasi ka hirgalo,ujeedada aanu u soconaa waa sidaasi”.

Axmed Ibraahin Caawaale waxa uu tilmaamay in fikirka lagu geeyay degmada Go’da-wayn ay lahayd xarunta dhaqanka ee Hargeysa isla markaana ku amaanantahay, waxaanu tilmaamay in ay qayb ku leeyihiin qoraayo kale oo hadiyad ahaan ugu soo direy buugtooda.

Dhinaca kale,waxa isaguna halkaasi ka hadlay Barkhad Maxamuud Kaariye oo ah Agaasimaha Barmaamijka Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa, waxaanu bulshada degmada uga waramay hantida ay u sidaan iyo faa’idada ay u leedahay.
“Waxaannu sidnay sahay runtii marka laga hadlayo tayada ay leedahay iyo mudada ay waarayso,waxyaabaha ay bulshada degmada tarayso aad u wayntahay,waxaanu sidnaa buugaag,waxaanu u sidnaa dadkeenan waxaananu ka sidaa dadkeenii.Buugaagta aanu sidaa waa fikir ay Xarunta dhaqanka ee Hargeysa waday dhawrkii sanno ee ugu dambeeyay,waxa jira geediga buugaagta hawl gal la yidhaahdo oo Somaliland inteeda badan lagu soo maro.”ayuu yidhi Barkhad Maxamuud Kaariye.

Sidoo kale, Xamda Cali oo ah horjoogaha buugaagta ee Xarunta Dhaqanka Hargeysa ayaa dhallinyaradii goobtaasi ku sugnayd ku wargalisay inay dib ugu soo noqon doonto deegaanka si ay u eegto sida looga faa’idaystay buugaagtan,waxaanay dhallinyarada ku boorisay inay xarunta dhaqanka yimaadaan wakhtiyada ay magaalada Hargeysa yimaaddaan.

“Laba bilood kadib waan soo noqon doonaa, kolleyna wuxuunbaan la iman doonaa gacmo madhan la iman maayee, markaa waxaynu eegi doonnaa sida loo akhriyay buugaagta, falcelinta ka timid. Mid kalena waan idinku darayaa markaad Hargeysa timaaddaan waxaan asxaabta halkan ku sugan ee aanu is baranay inay soo booqdaan Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa oo aad eegtaan sida ay shaqadu uga socoto, waxna waynu kala faa’idi,haddii buugga sidiisa loo ilaa liyo ee looga faa’idaysto ayay ku xidhantahay”Xamda Cali.

Dhanka kale, Jaamac Muuse Jaamac aas aasaha Xarunta Dhaqanka Hargeysa ayaa bulshada degmada ka codsaday in laga faa’idaysto isla markaana loo sameeyo goob u khaas ah buugaagta laguna akhristo.

“Haddii aynu samaysano weel Illaahay wuu innagu guulaynayaa, haddii aynu hagaajisano oo aanaynu dayicin, haddii aynu dhawaaqa wanaagsan ummadda intiisa kale gaadhsiinno waayi mayno cid inoo soo buuxisa oo waxsan inooga soo buuxisa. Xilka inay degmadu
yeelato meeshii lagu akhrisan lahaa idinka ayuu idin saaran yahay”ayuu yidhi Jaamac Muuse Jaamac, wuxuuna kusoo afmeeray:
Aas aasaha xarunta dhaqanka ee Hargeysa, Jaamac Muuse Jaamac waxa uu dardaaran u jeediyay mudantii ku sugnayd degmada Go’da-wayn.

“Haddii ay fariintaa wanaagsani inaga baxday idinkuna xilkiina ka soo baxdaan waxaynu isku soo noqon maalin dhaw innagoo wax intan ka wayn haysanna” Jaamac Muuse Jaamac.
Waxa isaguna kulankaasi ka hadlay Caaqil Cabdi Cayn-gal oo dar daaran u jeediyay bulshada degmada Go’da-wayn.
“Aad ayay u mahadsanyihiin kooxda noo sida waxa aadka u qiimaha badan,deegaankana waxaan farayaa waxaa qiimaha leh waa wixii ugu wanaagsanaa ee ugu manaafacaadka badnaa aduunka ee caruurteena dhisayay,qaabka aan uga faa’idaysanaynaa inaga ayay ina jirtaa”Caaqil

Sidoo kale,waxa halkaasi ka hadlay Maamulaha Dugsiga Degmada Go’da-wayn Sheekh Cabdillaahi oo tilmaamay mihiimada ay leedahay aqoonta iyo wax akhrisku,waxaanu bulshada ku baraarujiyay inay ka faa’idaystaan kutubtaasi uga timid dadkoodii.

“Waxa la iskaga gurmado waxa ugu wayn aqoonta,kaasi ayaa mahad kaa mudan oo abaal celin kaa mudan,abaal celinta ay inaga mudanyihiin waxaynu balan qaadayaa inaanu si wanaagsan uga faa’idaysan doono,saaka gurmadkeedii waynu haynaa wax aad kaga baydho saymaha ku horyaal.Da’yarta aan horjoogo waxaan farayaa kuwan ula dhaqmi maysaan sidii kuwii hore ee aynu isa siin jirin waa hanti lagaa rabo in ilmaha tagoogaaga ku jiraa ka faa’idaysto”ayuu yidhi Maamulaha dugsiga hoose/dhexe ee degmada Go’da-wayn.

Deeq Cabdi Warsame,Xoghayaha Degmada Go’da-wayn ayaa isaguna goobtaasi shirku ka socday kala hadlay bulshada, isagoo kula dar daarmay inay u heellanaadaan akhriska iyo qorista labadaba, kana faa’idaystaan hantidaa loo keenay .
“Aad ayaan ugu mahadcelinaya Xarunta Dhaqanka iyo weftigaba, waanu ilaalin doonaa hantidan waana laga faaidaysan doono” Deeq Cabdi Warsame xoghayaha degmada Go’da-wayn.
Guddoomiyaha degmada Go’da-wayn Cabdi Cali ayaa sheegay inay si dhab ah uga faa’idaysan doonaan buugaagtaa tirada badan ee uga timid xarunta dhaqanka ee Hargeysa.

“Aad ayaanu uga faa’idaysan doonaa ,degmadu waxay leedahay dugsiyo badan oo ilaa dugsiga sare ah,markaa faa’ido badan ayay u leedahay,qudhayadu waanu ka faa’idaysan oo wax badan ayaanu ka heli,waajib ayaa naga saaran inaanu ilaalino ,waxaanu balan qaadayaa inaanu buugtan dhigno meel Maktabad ah oo lagu akhriso,waxaanu codsanayaa in nalaga caawiyo xarun Maktabad ah oo ay degmadu u baahan tahay”ayuu yidhi Cabdi Cali Guddoomiyaha degmada Go’da-wayn

Gabagabadii kulankan Xarunta Dhaqanka ee Hargeysi buugaagta ku gaadhsiisay degmada Go’da-wayn waxa ka hadlay Xildhibaan Maxamuud Cabdillaahi Fiiqayn oo ballan qaaday inuu si dhakhso ah u dhisayo xaruntii ama maktabadii la dhigi lahaa buugaagtan isla markaana lagu akhrisan lahaa.

“Runtii waxaan aaminsahay in Maktabadani noqon doonto mid aad u wanaagsan oo ay dadku ka faa’idaysandoonaan,meeshana waynu horumarin doonaa noqon mayso meel dhasku ku dhaco,waxaanan balan qaadayaa meeshii lagu ilaalin lahaa in aan deg deg u keeni doono oo maktabad sida ay tahay u dhiso”ayuu yidhi Xildhibaan Maxamuud Cabdillaahi.
Xarunta Dhaqanka ayaa had iyo jeer deegaanno kala duwan gaadhsiisa buugaag, iyadoo ujeedaduna tahay sidii looga faa’idaysan lahaa isla markaana loo xoojin lahaa akhriska iyo qorista.

IMG_2178

IMG_2179

IMG_2180

IMG_2181

IMG_2182

IMG_2183

IMG_2184

IMG_2185

IMG_2186

IMG_2187

IMG_2187_1

IMG_2188

IMG_2188_1

IMG_2189

IMG_2247

IMG_2248

IMG_2249