Xavi Hernandez Oo Wayne Rooney Kala Taliyay Mustaqbalkiisa Kubbada Cagta Iyada Oo Kabtanka United Xaaladu Ku Xuntahay

0
480

Waxaa Qoray: yaasir BR

Kabtanka Manchester United ee Wayne Rooney ayaa ku jira xaaladii ugu xumayd waayihiisa ciyaareed, waxaana shaki waynla galinayaa mustaqbalkiisa Old Traffrod kadib markii uu Mourinho kaydka dhigay isla markaana uu u sheegay u sheegay in haddii uu doonayo kubbad joogto ah uu kooxda ka bixi karo. Rooney ayaa lala xidhiidhinayaa kooxo Yurub, Shiinaha iyo USA ah.Laakiin halyaygii Barcelona ee Xavi Hernandez aaya Wayne Rooney u sheegay in wali uu mustaqbal ku leeyahay horyaalada Yurub oo aanu u dhaqaaqin MLS, China ama horyaalo kale. Xavi ayaa sheegay in uu ixtiraamayo horyaalada China, MLS balse Rooney ayaanu wali diyaar u ahayn in uu ka ciyaaro horyaaladan.Xavi Hernandez oo ka ciyaaraya kooxda Qatar ee Al Sadd ayaa yidhi: “Aniga oo ixtiraam oo dhan u haya MLS, China iyo horyaalada kale, Wayne Rooney wali diyaar uma aha. Laga yaabee laba ama saddex xili ciyaareed, laakiin da’diisa wali waqtigii ma aha. Ciyaartoy awooda Rooney oo kale leh oo da’diisa ahi waxa uu u baahan yahay in uu ka ciyaaro horyaalada Yurub ugu sareeya”.Xavi ayaa hadalkiisa sii raaciyay: “Anigu waxaan wali filayaa in Rooney uu wax badan ku soo kordhin karo Manchester United, laakiin haddii isaga ama kooxdu ay go’aansadaan in aanu xidhiidhkaasi sii socon doonin, waxaan ogahay in uu wax wayn ku soo kordhin karo dhamaan kooxaha Yurub ugu sareeya”. Rooney ayaa hal gool oo kaliya dhaliyay 12 kii kulan ee uu xili ciyaareedkan ka soo muuqday Man United.