Xavi: PSG Si Waliba Ayeey Uga Fiicneyd Barcelona, Weyna U Qalmeen Iney Adkaadaan

0
664

Barcelona waxaa dhagteeda ka sii yeeraya guuldaradii 4-0 ta aheyd ee kasoo gaartay gacmaha Paris Saint-Germain ee tartanka Champions League habeenkii talaadada, wuxuuna kabtankii h–e ee kooxdaasi ee Xavi Hernandez uu sheegay inuusan eedeyn karin kooxdiisi h–e.

Luis Enrique ayaan u muuqan kuwo rajo sidaasi ah laheyn laakin waxay lugta labaad ku marti qaadi doonaa Camp Nou kooxdaan iyagoo doonaya iney aar gutaan.

“Marka la eego xamaasada ciyaarta, kubada meelaha sare lagu ciyaaro, farsamo ahaan, muruq ahaa iyo awood maskaxiyan ahaanba waxay ahaayeen kuwo aad u sareeya ” ayuu yiri Xavi oo la hadlayay L’Equipe.

Barcelona ma aysan helin wax fursado ah, [Kevin] Trapp wax dhibaato ahba lama uusan kulmin, PSG waxay ahaayeen kuwo aad uga tamar badan Barcelona, qaabkooda ciyaarta waxay aheyd mid aad ay dardar uga muuqato, taas ayaa aheyd farqiga labada koox, sababtoo ah tayada ciyaartooyda labada koox waxay ahaayeen ugu yaraan kuwo isku mid ah.”

Inkastoo ay Blaugrana ku soo gashay SHAX xoogan, hadana xidiga khadka dhexe ee ka ciyaara dalka Qatar ayaa sheegay in kooxdiisi h–e ay la dhibtooneysay dhibaato taam ahaansho wuxuuna yiri “Waxay halis u muuqdeen kaliya marka uu Neymar qof uga hartago hal-ka-hal, Iniesta iyo Busquets, waxay kasoo laabanayeen dhaawac, mana aysan joogin heerkoodii ugu fiicnaa”.

“Barcelona ma aysan aheyn kuwo koox ahaan u diyaarsan, waxaan aaminsanahay in Barcelona ay qaban karto PSG ayna isku dayi karto iney soo laabasho ku sameyso, inkastoo ay aad u adag tahay, uma maleynayo iney is dhiibi doonaan, wali ciyaarta ma aysan dhamaan, wali tartanka lagama saaron inkastoo ay xaqiiq ahaan ay wax adag tahay”.