Xiddiga ku guuleystay abaal-marinta bisha November ee taageerayaasha Premier League oo shaaciyey

0
316

waaxa qoreya yaasir]

Waxaa la shaaciyey ciyaaryahanka ku guuleystay xiddiga bishan November ee ay codeeyaan taageerayaasha Premier League ee “PFA Fans’ Premier League Player of the Month award”.

Xiddiga kooxda Chelsea ee Victor Moses ayaana ku guuleystay abaal-marinta xiddiga bisha November ee taageerayaasha Premier League, waxaana uu abaal-marintan ku garaacay xiddigo ay ka mid yihiin Sergio Aguero iyo Gylfi Sigurdsson.

In ka badan 40,000 (afartan kun) oo codad ah ayaa laga uruuriyey taageerayaasha kooxaha Premier League, waxaana Moses oo abaal-marintan ku guuleystay uu helay codad dhan 18,756 (Siddeed iyo toban kulan, todoba boqol konton iyo lix).

Xiddiga kooxda Swansea ee Gylfi Sigurdsson ayaa kaalinta labaad galay waxaana uu helay codad dhan 7,791 (Todoba kun todoba boqol sagaashan iyo kow), halka ciyaaryahanka Watford ee Nordin Amrabat uu ku dhammaystay kaalinta saddexaad kaasoo helay codad gaaraya 5,378 (Shan kun saddex boqol todobaatan iyo siddeed).

Waxaana lixda ciyaaryahan ee ku tartamayey abaal-marintan dhammaystiray ciyaaryahanka Sunderland ee Victor Anichebe oo helay (3,642 cod), weeraryahanka Manchester City ee Sergio Aguero oo helay (3,457 cod) iyo laacibka garabka uga dheela naadiga West Brom ee Matt Phillips kaasoo helay (1,203 cod).