Xidhiidhka ka dhexeeya tahriibka iyo reer-guuraannimada! Qore: Maxamed Sharma’arke

0
692

Xidhiidhka ka dhexeeya tahriibka iyo reer-guuraannimada! Qore: Maxamed Sharma’arke

Ka hor intii aanay dadka Soomaalida ahi magaalooyinka soo gelin, boqolkiiba 90% in ka badani waxa ay ahaayeen dad reer-guuraa’ ah. Reer-guuraagu, waxa ay ahaayeen dad mar walba daba socda dhibicda roobka, isla markaana sahansada hadba geyigii raxmaad lagu sheego. Reer-guuraaga marka ay abaari hesho ama dhulku engago ee ay biyaha iyo baadkuba ku yaraadaan, waxa ay u doogsin-carari jireen hadba meesha naqa iyo nimcada leh, iyaga oo aan marnaba diyaar u ahayn in ay xalliyaan mashaakilka deegaanka ay ku nool yihiin, amaba aan ku fikirin sidii ay dharaar uun uga gaashaaman lahaayeen abaaraha ay mar walba is mutaan, ee sannadkii Ilaahay dhaliyaba soo wajahaya. Abaartaas ay mar walba ka yaacayaan, kaliyaata waxa kaga filnaa iyaga oo iskaashada, dabadeedna biyo-xidheenno samaysta, isla markaana seerayaal waaweyn oodta xilliga barwaaqada, si ay ugaga gudbaan xilliga adag ee abaaraha. Wakhtiyadaas hore, maadaama oo uu dadku tiro-yaraa, waxa suuro-gal ahayd in la helo dhul aad u weyn una ballaadhan, kaasi oo la xidhi karayey xilliga barwaaqada, isla markaasna si fudud loogaga gudbi karayey marka ay abaaruhu curtaan.Xalkaas koobani ma uu noqon mid ay isku dayaan dadka reer-guuraaga ahi, waxaana ay ku noolaan jireen reer-guuraannimo, illaa iyo maantana waxa ay ku noolyihiin reer-guuraannimadoodii, iyaga oo aanay jirin meel ay ku negaadaan. Ninka reer-guuraaga ahi ma uu ahayn mid u diyaarsan xallinta mashaakilka deegaankiisa ka jira, mana uu ahayn mid ku fikira nidaamka iyo qaabka loo xalliyo mashaakilka deegaanka, kaliyaata waxa uu xal u yaqaannay in laga guuro kobta uu degan yahay, oo loo guuro kobtii cagaar iyo cir lagu sheegay, xataa haddii uu deegaankaas uu roobku ka da’ay godob ku leeyahay, waxa khasab ku ahayd in uu u guuro oo uu naftiisa ku biimeeyo, waayo xal kale ma uu garanayn.

Dhinaca kale, tahriibku waa nooc kale oo reer-guuraannimo ah. Tahriibuhu ma’aha nin diyaar u ah in uu xalliyo dhibaatada ka jirta deegaanka uu ku nool yahay, waxaana uu ku qancay in uu marti u noqdo ummad isaga la mid ah oo dedaalkooga awgii kor ugu qaadday dalalkii uu Ilaahay ku isiray. Tahriibuhu waa mid aan awood u lahayn in uu wajaho mashaakilka ka jira nolosha guudkeega, gaar ahaan mashaakilka ku qabsaday deegaankiisa, isla markaana ka dhuumanaya in uu si uun ugu babac-dhigo mashaakilkaas. Tahriibuhu sidii reer-guuraaga ayaa uu raadsanayaa hadba meeshii uu ku arko wax dhal-dhalaal ah. Sidaas awgeed, tahriibku waa reer-guuraannimo casrigan la jaan-qaadaysa, waana wejiga cusub ee ay yeelatay reer-guuraannimadii Soomaalidu.

Qalinkii: Maxamed Sharma’arke.
Sharmaake91@gmail.com