Isku Buuqa Goobta Shaqada (Workplace Stress)

0
1158

Isku Buuqa Goobta Shaqada (Workplace Stress)
(Sida loola macaamilo isku buuqa iyo jahawareerka ka dhasha goobta shaqada)
W/Q: Xamse Tudhaale
Dunidan aynu maanta joogno waxa ugu badan ee dadyowga waqtigan nool haystaa waa isku buuqa iyo jahawareerka nololeed, kaas oo galay guri walba; qof walbana saameeyey.
Goobta shaqada ayaa iyaduna noqotay meel uu qofka shaqaalaha ahi ka muto isku buuqaas oo uu kala kulmo, taas oo sababta inuu qofku dhaawacmo jidh ahaan, maskax ahaan iyo caafimaad ahaanba. Isku buuqan lagala kulmo goobaha shaqadu waxa uu noqday mid saamayn wayn ku yeeshay qof kasta oo shaqeeya; waddan kasta oo uu ku nool yahay.
Shaqadu ha ahaato nooca ay doonto; maaha mid bilaa isku buuq ah ee shaqo kasta oo la hayo waxay leedahay isku buuqeeda, xilka aad doonto hay waxa hubaal ah in sanadkiiba ugu yaraan 3 jeer aad la kulanto isku buuqa iyo jawahawareerka aad ka dhaxasho hawl maalmeedkaaga shaqo.
Wax walba bar bilowga fahankiisa ayaa ah xalka ugu horeeya ee aad hesho, odhaah soomaaliyeed ayaa ahayd “ Xog la helyaaba xal la hel.” In aad hesho xog si aad u fahanto halka uu isku buuqani ka imanayo iyo waxyaalaha kugu sababayaa waa kuu muhiim.

Waxyaabaha sababa isku buuqa shaqada
1. Shaqada oo aad ku jirto saacado badan oo xidhiidh ahi waa mid ka mid ah waxyaabaha keena isku buuqa goobta shaqada.

2. Culays iyo cadaadis kaaga yimaada dhanka madaxda sare ee meesha aad ka shaqayso

3. Mushaharka aad ku shaqayso oo yar iyo waqtiga aad shaqayso oo badan taas oo ku dareensiinaysa inaanad ku qancin shaqada.

4. Hawlo badan oo aad isku dhex wado marka aad shaqada ku jirto, sida in aad isticmaasho Baraha Bulshada iyo in aad telefoonka ku hadasho.

5. Maarayn la’aanta waqtiga shaqada

6. Xirfada dad la dhaqanka oo aanad aqoon u lahayn

7. Dhibaato qoys oo ku soo wajahda taas oo kugu keenaysa niyad jab iyo cadho badan.

8. Cadhadaada iyo caadifadaada oo aanad maarayn Karin

9. Shaqaalaha oo aad isku dhacdaan/ is laysaan.

10. Waqti kugu filan oo nasasho oo aanad helin

11. Mashquulka badan

Qaar Ka Mid Ah Astaamaha lagu garto isku buuqa goobta shaqada
1. In uu kaa lumo xiisihii iyo xamaasadii aad u haysay shaqadaadu

2. Niyad jab fara badan iyo daal

3. Qofka balwada leh waxa ku dhacda inuu aad u isticmaalo balwadaas oo uu laba jibaaro, tusaale ahaan, haddii uu maalintii cabi jiray 8 xabbo oo sigaar ah; inuu cabo baakidh ama 2 baakidh oo sigaar ah muddo kooban.

4. Madax xanuun badan iyo dulqaad yari

5. Danayn la’aan dhanka nadaafada jidhkiisa ah, tusaale ahaan haddii uu qofkaasi xarrago badnaa waxa is badala hab labiskiisa, waxaana lagu arkaa dhar aanu hore u xidhan jirin.

6. Inaanu dadka soo dhex galin, qof kasta oo isku daya inuu la macaamilana wuxuu kala hor tagaa iska cabin iyo jikaar; taas oo sababta inay qof walba isku dhacaan

7. Hurdo badan oo aanu qofku hore u lahayn oo uu isku arko

8. Firfircoonida qofka oo aad isku dhinta

9. Furfurnaantii shaqsiga oo isku badasha waji gabax iyo cadho aan xad lahayn

10. Haddii qofku xaasle yahay waxa ku dhacda inay isku dhacaan xaaskiisa iyo ubadkiisaba taas oo sababta cadho qaadata waqti badal in la xalliyo ilaa inta uu qofkaas isku buqaasi ka ba’ayo

11. Is qoomamayn badan iyo caloolyoow

12. Tanaasul la’aan iyo gar ma qaadasho

13. Xanuun qofku uu leeyahay ama aanu isku ogayn oo jidhkiisa ku jira

Caqabad kasta ama se cillad kasta waxa ay leedahay hannaan u gaar ah oo loola tacaalo. Qodobadan hoos ku xusani waa talaabooyin fudud oo kaa caawinaya in aad adigu kaligaa maarayso oo aad xalliso isku buuqa aad kala kulanto goobta shaqada.
1. Samayso waqti nasasho oo aad ka baxdo caalamka shaqada lana qaadato ehelkaaga iyo asxaabtaadaba

2. Jooji isticmaalka Baraha Bulshada inta aad shaqada ku jirto

3. Waqti kaliya ha isku dayin in aad wada qabato dhawr hawlood kaligaa

4. Baro xirfadaha shaqsiga ah ee kaa caawinaya xallinta dhibaatooyinkaaga shaqsiyeed iyo la xidhiidhka dadyowga kugu xeeran ( Personal and Interpersonal skills )

5. 80% diirada saar xalka intii aad ku mashquuli lahayd caqabada ku haysata

6. Isku day in aad maarayn karto cadhadaada aad kala timaado dibada oo kala saar goobta shaqada iyo goobaha kale, habdhaqankaaga shaqana ha noqdo mid u gaar ah isla goobtaada shaqo

7. Isku day in aad 3-dii biloodba qaadato tabobar ku saabsan horumarinta shaqsiyadaada

8. Maaree waqtigaaga, iskana ilaali inaad wax walba cudur daar u samayso.

9. Dad la dhaqankaaga wanaaji, shaqadaadana masuuliyadeeda aqbal khalad iyo saxba.

10. Isku day in aad si wanaagsan ula macaamisho madaxda iyo shaqaalaha isla goobta aad ka shaqayso, si aanay kuugu noqon carqalad

11. Ogoow in nimco kastaaba wadato nusqaanteeda, Aduunyadana aanay jirin wax sugani; ee ay noloshuba leedahay gebi dhacyo.

12. Mushahar yaraantu maaha caqabad wayn, sababtoo ah bal sawiro mushaharkaagan yari inta gaddaloolo ee uu kaa buuxiyo; haddii aad waydana culayskeeda lahaan lahayd.

13. Ogsoonoow oo ka war hay marka aad la kulanto isku buuqa, iskuna day in aad ka fasax qaadato shaqada muddo kooban haddii lagaa maarmi karayo, amaba isku day in aad adigu waqtigaaga u goyso inaad naftaada, Ehelkaaga iyo asxaabtaadaba la qaadato. In aad ogaato marka aad la kulanto isku buuqu waxay kuu sahlaysaa in aad la macaamili karto xalna u heli karto.

14. Ogoow in aanu Isku buuqu ahayn mid waaraya ee uu yahay mid waqti yar kula joogaya, laakiin marar badan oo kale noloshaada ku soo mari doona; muhiimaduna ay tahay in aad la tacaasho oo aad maarayso.

15. Balwadu maaha mid xal u noqon karta isku buuqa in ay sii buunbuuniso mooyaane, isku day in aad hesho qof ku caawin kara oo aad taladiisa ku kalsoontahay; haddii aad ka maarmi waydo.

Dadyow badan ayuu sabab u noqdaa inay isku buuqan marka ay la kulmaan carqaladan lagana eryaa Shaqada ama se iyaguba iskood iskaga casila, taas oo hadhow qofka ku keenta inuu iska qoomameeyo.
Nolosha carqaladuhu kama dhammaadaan se xal lagu dhaafo ayaa jira.

Xamse Tudhaale (Qoraa ka faallooda arrimaha horumarinta shaqsiyada ahna Dhiirigaliye nololeed.)

Mobile: 0634410163
Facebook account: https://www.facebook.com/Hamze.kuuriya

Tixraac:
http://www.helpguide.org/articles/stress/stress-at-work.htm
http://www.positivityblog.com/index.php/2014/03/12/how-to-deal-with-stress/