Xikmadda Ku Jirta Guursiga Dumarka Badan (WQ: Mukhtaar Axmed Nuur)

0
44

Xikmadda Ku Jirta Guursiga Dumarka Badan (WQ: Mukhtaar Axmed Nuur)

Ma dadka Islaamka oo qudha ayaa ay raggu guursan karaan dumar badan ? diimihii hore ma lagu sheegay in raggu guursan karaan haween badan ? se bulshooyinka adduunku guurka dumar badan sidey u arkaan ? ma u malaynaysaa inay jiraan dad ogol in haweenaydu ay rag badan guursan karto ? ma dhabbaa in dumarku ragga ka dhalasho badan yihiin tiro ahaanna ay ka badan yihiin ? inta aynnaan waydiimahan ka war celin bal aynnu milicsanno fahan kooban oo aynnu ka bixinno guurka.

Qolyaha u dhuun daloola arrimaha qoyska iyo guurka waxa ay leeyihiin “ Guurku waa isku imaatinka amma midowga labka iyo dheddigga si ay bulshadu ugu aqoonsato inay gudanayaa xuquuqda ay u leeyihiin inay isu galmoodaan”  qaar kalena waxa ay leeyihiin “ Guurku waa heshiish iyo xidhiidh u dhexeeya lab iyo dheddig si ay u abuuraan qoys isla markaana usoo saaraan ubad”

Waxa jira doodo  iyo aragtiyo badan badan oo leh guurka u jeedkiisu waa in ubad la dhalo, qolo kale ayaa leh ubadku muhiim maahane waa in labada qof ay keliya isu galmoodaan oo ay wada noolaadaan ilayn waxa suuro gal in labada qof midkood amma labadadooduba aanay awoodin inay ubad dhalaan. Bulsho kasta oo arladan ku dhaqani waxa ay leeyiin fikrad iyo aragti ay ay ka haystaan u jeedka guurka sidoo kale waxa ay dhaqanno iyo hannaan ay isku guursadaan.

Aragtida Islaamiga ah waxa ay leedahay iyadoo laga duulayo aayadaha Quraanka iyo Axaadiista Suubanuhu “ In guurku yahay meel lagaga dhawrsoonaado xumaanta, in guurku yahay in la dhiso qoys Muslim ah iyo in lasoo saaro ubad badan oo Muslim ah” Suubbanuhu waxa uu yidhi “ Dhallinyarooy kiinna awoodaa ha guursado isagaa u wanaagsan daymada iyo xubnaha e’”” awooddaas ayaa macne ahaan lagu sheegay awood dhaqaale, masuuliyad iyo caafimaad iyo jidh ahaanba.

Haddaba waxa jira noocyo badan oo guurka ah oo arladan lagaga dhaqmo oo ay suuro gal tahay in aanaad wax badan ka maqal, noocyadaas waxa ugu caansan oo badanaa afka qalaad loogu yeedho—Monogamy, Polygamy, Polygyny, Group marriage iyo qaar kale oo badan, bal aynnu eegno macnayaasha guurarkan kala geddisan;

  • Monogamy: Guurkan waa nooca ugu caansan ee badi aadanaha oo dhan ay ka siman yihiin oo badankoodu ku doodaan inuu ugu wanaagsan yahay. Eragga “Mono” waa keli waana in is guursiga laba iyo dheddiga kale ah oo waddamo badan ay sharci ka dhigeen in guurku aanu ka badan hal xaasa oo qudha. Waana guurka ugu badan ee dadku aanay dood ka keenin.
  • Polygamy: Guurkan ayaa isagu ah kan labaad ee loogu adeegsiga badan yahay arladan waana in ninku guursado haween oo badan oo 1 ka badan, waana guur ay diinta Islaamka ah oggoshahay waa haddii ninku uu kasoo baxo shuruudaha ku xidhan, sidoo kale waa guur ay adeegsadaan waddamo badan oo aan qaarkood Islaam ahayn, sida Hindida iyo badi waddama dhaca galbeedka Afrika. Walow eraygan Polygany loo adeegsado waxyaabo kale.
  • Polyandry: Guurkan ayaa ah inay haweenaydu ay guursato rag badan, waa dhaqan ka jira dalal badan oo ay Hindiya ay ugu caansan tahay, sida la arkay filimaan badan oo Hindi ah laga sameeyay, waa guurka dhaliyay dhacdooyin badan oo muddo arlada laga hadal hayn jiray, waa guurka keenay in khal-khal ku yimaaddo hidde sidaha ilmaha oo la garan kari waayay qofka saxda ah ee ilmaha aabbe u ah, maalmo aan sidaa u fogayn dalka Koonfur Afrika waxa aad looga hadal hayay haweenay guursatay 3 nin waliba isu mar ah.  Mar arrinkaas baadhitaan lagu sameeyay ayaa lagu sheegay dhaqaanno soo jireen ah iyo in badanaa aaggaas ay haweenku ku yar yihiin oo ay khasab noqotay in haweenayda ay rag badan wadaaggaan isla markaana ilmaha ay dasho ay raggaasi dhammaantood aabbo u yihiin.
  • Group Marriage: Waa guur hadda hadda dabar go’ay oo ah in mar qudha ay si wadar ah isu guursadaan dumar badan iyo rag bani, tusaale ahaan in nin mar wada guursado 2 haweena ha ka badan oo sidaas oo kale ay rag kale oo badana guursadaan haween badan isa markaana goob qudha lagu wada qabto arooskaas. Waa dhaqanno soo jireen ah oo aan la kasayn sida ay ku yimaaddeen see guur cajiib ah oo u diwaan gashan dadka wax ka oga arrimaha qoyska.
  • Fixed-term marriages: Suuro gal miyay tahay in la sameeyo guur ku meel gaadh ah? Guurkan ayaa ah in labada qof ay ku heshiiyaan inay is qabaan muddo cayiman ka dibna la kala tago kaas oo ku dhisan dano amma arrimo ay labada qof amma midkood leeyahay ? Soomaalida dhexdeeda arrinkan in badan ayuu ka dhacay. Waxa badanaa la xusay in guurkan ay ku badan yihiin Askartu maaddama badanaa loo raro deegaan aan ahayn kooda ka dibana askarigu haween kula heshiiyo inay wada joogaan muddada cayiman ee uu meeshaas joogo, sidoo kale arrinkan ayaa waxa caan ku noqday ardeyda jaamcadda ka dhigata dalal kale amma deegaano kale. Waxa kale oo dhacda in labada qof mood uu doonayo inuu arrinkaas ku meel marsado arrimo uu qodkaasi muhiim u arko.
  • Sorority Marriage: Guurkan waa nooca ay Soomaalidu u taqaanno “Xigsiisan” oo ah in haweenay ay guursato ninkii ay walaasheed ka dhimatay, meelo kale oo badan oo dunida ah waa lagu dhaqankan, se u jeedka ayaa lagu macneeyay in Habartarta oo loo aqoonsan yahay hooyada labaad ay hooyo rasmi ah u noqoto carruurta ay walaasheed ka hoyatay.
  • Ghost marriage: Guurkan isna waa mid Soomaalidu aad u adeegsato ah guurka loo yaqaan “Dumaal” oo ah in ninka walaalkiis badanaa ka yar uu guursado xaaskiisa ka dib markii uu ka dhintay. Dhaqanka Soomaalidu waxa uu xusayaa in ninkani uu masuul ka noqdo carruurta uu adeerka u yahay iyo haweenaydaba si aannu qoyskaani u bur-burin una kala yaacin, walow badanaa hooyada oo hoyataa ay keento in ubadku kala feeraaraan oo la kala qaybsado. Guurkan waxa innala wadaaga bulshooyin badan oo carabtu ay ka mid tahay.

 Si kastaba maaha intan uun noocyada guurarka ee adduunkan lagu arkay, waxyaabaka kale ee ayynu badanaa aragnayna waxa ka mid ah inay is guursadaan laba qof oo ehel ah sida in laba ilmaadeer ah amma laba ilma abti iyo habar wadaag ahiba, waana dhaqann aad looga yaqaan bulshada carabta badankeed siiba sucuudiga. Soomaalida oo malaha arrinkaas Diin ahaan u qaadatayna way dhacday inay is guursadaan laba qof oo ehel ah. Diinta Islaamku arrinkaas waxba kama qabto oo arrinkuba waxa uu ka yimi is Saxaabaduba ay guursadeen qaar badan oo ehelkooda ah. Laakiin qolyaha caafimaadka casriga ah ayaa xusay in in uu khal-khal ku iman karo hiddaha sidaha maadaama labada qof ay dhiig iyo hiddeba wadaagaan.

Haddaba aynnu millicsanno muxaadiro uu qabtay Sheekh Maxamed Seekh Cumar Dirir ee uu kaga hadlayay aragtida cilmiga ah ee guursiga haween badan isagoo ka eegay dhanka diinta, dhanka cilmiga bulshada iyo dhinac kasta oo lagu cillayn karo. Wixii Eebbe jideeyay ee sariix ah uma baahna in dood laga keeno se haddana markii la awoodo in la cilmiyeeyo oo qofka lagu qanciyo waxa hubaal ah in wax badan iyo dhinacyo badan cillo looga keeni karo. Sheekhu dooddan waxa uu kusoo ururiyay dhawr arrimood..

  1. Dumarku dhanka dhalashada way ka badan yihiin ragga, marka la eego dhanka da’da amma cimriga way ka cimri dheeryihiin, dhanka dhimashada iyo dhanka geerida way ka dhimasho yar yihiin dhanka ragga. Isku darka arrimahan waxa ay keenaysaa in dumarku faro bataan. Sheekhu waxa uu xusay in daraasado badan ay xusayaan in guud ahaan waddama caalamka marka laga reebo saddex dal ay dumarku ka badan yihiin ragga, waddama dumarku ku yar yihiin ayaa kale ah Shiinaha, Hindiya iyo dhawr waddan oo khaliijka carabta ah.

Tusaale ahaan waddaamada khaliijka arrinkooda ayaa lagu sababeeyay in dad badan oo aan waddanka u dhalan ay usoo shaqo tageen, Magaalada ganacsiga adduunka ee Dubaay ayaa lagu sheegay in dadka ku nool 75% ay yihiin dad anjanabi ah siiba hindi iyo Baakistaaniyiin. Shiinaha ayaa lagu sababeeyay arrinkooda in ilma kasta oo uurka ku jira markii la ogaado inay gabar tahay lasoo rido. Daraasadaha arrinkaas sheegayana waxa ay u baahan yihiin in la iftiiyo.

  1. Qodobka labaad ayuu Sheekhu ku sheegay in arrinka guud ahaan lagu sheegay guud ahaan diimaha samaawiga ah. Waxa kale oo xusid mudan in Diinta Islaamiga ah oo keliya lagu xusay guursiga hal xaas se wixii ka badanna lagu xidhay shuruud, taas baddalkeedana diimaha oo kale oo dhanna ay sheegeen wax ka badan. Se tanna waxa loo dayn dadka diimaha ka faallooda. Waxa jira arrimo sheegaya in diimaha hadda jira ee Kiristaanka iyo tan yuhuudda wax badan la dhallan rogay se haddana maadamaha diimaha laga dhaxlo dhaqanno badan, waxa hubaal ah in dhaqannada bulshooyinkaas laga soo helayo inay run tahay in diintaas ay bannaysay guursiga haween badan.
  2. Qodobkan saddeexaad ayuu sheegu ku sheegay maadaama dumarku badan yihiin inay caddaalad tahay in ninku uu afar xaas guursado, maadaama haweenku ay yihiin bani aadam xuquuq leh. Ma caddaalad baa in dumarka qaarkood ay isku helaan nin, hoy iyo ubad qaarna ay iska joogaan nin iyo ubad la’aan ?! doodda sheekhu waxa ay daarran tahay inay caddaalad darro tahay in haweenka qaarna helaan niman iyo carruur qaarna ay sidaa ku dhintaan iyadoo helin ubad iyo niman.

Dagaalkii labaad ee adduunka sida la ogayahay waxa la xusay in raggii adduunka ee wakhtigaas marka 3 meelood loo qaybiyo 2 meeleed ay dagaalkaas ku naf waayeen siiba waddama dagaalku ka dhexeeyay ee jarmalku ugu horreeyo. Gabadh dadkaas ka mid ah ayaa sheekhu sheegay inay tidhi “ Inaan nin rubucii helo ayaa iiga roon rafaadka kelinimada”

  1. Qodobka kale ee sheekhu xusay waxa ka mid ah in xumaanta amma sinadu tahay meesha ugu dambaysa ee uu kusoo dhaco qofkaas oo aan helin xaas xalaal ah. Guurka oo bata waxa ku yaraada sinada, mar kasta oo guurku yaraadana sinada ayaa badata. Waana arrin dhab ah oo siyaabo kala geddiisan looga dhex arki karo bulshada. Waxyaabaha muddooyinkan dambe innagu soo badanayaa ah in labadii dhallin yarada ahaa ee xidhiidhku ka dhexeeyay markay muddo badan wada joogaan ay sino ku dhacaan oo meesha uur yimaaddo, si ceebta loo asturana waxa khasab noqonaysa in deg deg laysku guursado si ceebta meesha looga saaro.
  2. Qodobka kale ee uu sheekhu xusay ayaa in guursiga dumar badan ee keenayso inay dhashaan ubad badan oo islaam ah oo diinta iyo dadkaba u gar-gaara, wakhtigan dawladaha waawayn ee dhaqaalaha waxa keliya ee ay ku dagaallamaan ayaa ah khayraadka bani aadamka, sida la xusayna waddamba waddanka uu ka dad badan yahay ayaa uu ka dhaqaale iyo wax soosaar badan yahay waa haddii si wanaagsan loo maamule e’.
  3. Qodobkan 6aad sheekhu waxa waxa ku sheegay arrin xujo ku ah ragga iyo dumarba, kaas oo ah inaad guursado amma inaad gabowdo !! siiba ahaan waxa ay xujo ku tahay haweenka oo dooddodu tahay inay nin kelideed iska haysato oo haweenkii kale oo dhanna ay rag la’yihiin. Waxa la yidhi “ Xadhko geel ma wada xidhaan, hadday wada xidhaanna ma wada xejiyaan, rag oo dhanna dumar ma wada guursan karaan, inta guursan kartaa waa in kooban, saas awgeed sheekhu waxa uu leeyahay ragga intii koobnayd hadday intaas ku koobnaadaan saw haweenka kale oo idili guumoobimaayaan ?

Sheekhu waxa uu xusay xadiis saxiis oo Nebiga Scw ka sugnaaday kaas oo sheegaya in la arki doono wakhti ay ninka qudha ay kusoo hagaagi doonaan 50 dumar ahi.  Dhanka kale sheekhu waxa uu xusay daraasado caafimaad oo daliil u ah in cimriga dumarku uu ka badan yahay kan ragga oo ah in difaaca jidhka ee haweenku ka adkaysi badan yahay kan ragga. Sidoo kale waxa la xusay in wadnaha dumarku uu ka awood badan yahan ka ragga marka la joogo da’da 50 ka iyo wixii kasii badan. Daraasaddu waxa ay sheegay in marka haweenaydo ay dhalmo dayso in awooddeeda jidheed iyo difaacba ay ka mid noqonayso gabar 25 sano jir ah.

Qodobka kale ee cimri dheeraanta haweenka ayaa lagu xusay in haweenka ay badanaa is daryeelaan oo ay is daaweeyaan, daraasado kale ayaa xusay in tirada dumarka ee sannadkii dakhtarrada tagtaa ay 2 jeer ka badan yihiin tirada ragga, sida badanna ninka markuu uu soo dhaco ee uu dhulka is dhigo ayuunbuu dakhtarka xasuustaa. Waxa kale oo xusid mudan in mar kasta ay dumarku ka fog yihiin meelaha khatarta leh, taas baddalkeeda ay mar kasta raggu khatar faraha kula jiraan sida dagaaladda, shilalka gaadiidka iyo badanaa wax kasta oo nafta ay dhibi kasoo gaadhayso.

Daraasado kale oo caafimaad ayaa xusay in dhanka adkaysiga cudurrada ay dumarku ka adkaysi badan yihiin ragga, unugyada difaaca jidhka ee haweenka ayaa ka adkaysi badan kuwa ragga sida ay daraasadda uu sheekhu sheegay ay xusayso. Marka caqli ahaan loo fiirso qof uu qof kale ku dhex noolaanayo haddii difaaciisu yar yahay suuro gal miyay ahaan lahayd in labada nafood ay bad-baadaan ?

Dhanka nafsad ahaan ayaa in badan la xusay in qofka oo ooya ay culays badan nafta ka dejiso, sida in badan dhacdana waxa ay u muuqataa in dhanka laab lakaca iyo caadifaddu ay haweenka ku badan tahay, naxariis ahaana haweenku waa ay ka damqasho og yihiin ragga, saas awgeed bahda u dhuun daloosha arrimaha cilmiga nafta ayaa xusay in oohintu ay keento inay nafta culays badan ka dejiso waa natiijo ka dhalata isku buuq iyo culaysyada kale ee nolosha innagala soo darsa, sida aynnu in badan aragnaynna haweenku mar ay yar yihiin iyo mar wayn yihiinba way way u fududahay inay ooyaan. Taas baddankeeda raggu inay ooyaan waxa ay uga dhigan tahay arrin ceeb iyo jileecnimo ah saas awgeed waa uu is cabbudhiyaa taas oo lagu sababaeeya inay keento xannuuno badan oo nafsi ah sida waalidda iyo arrimo kaleba.

Sheekhe Eebbe ha barakeeyo qaabkaas ayuu usoo gudbiyay doodda guursiga dumarka badan oo ah arrin ay haweenku xasaasiyad badan ka qaadan oo in badan keentay dhibaatooyin badan oo badankeed aynnu markhaati ka ahayn oo ay ugu daran tahay arrinka masayrku. Marka laga yimaaddo in Eebbe arrinkan jideeyay akhristow waxa waajib kugu ah inaad baadho oo aad wax ka ogaato aragtiyaha kale ee bulsho amma caafimaad ee daraasadahi soo bandhigeen.

Ugu dambaytii dalka Neyjeeriya amma Aljeeriya mid ahaabaa beri waxa dhacay in haweenku ay mudaharaad dhigeen ay ku dalbanayaan in raggoodu la guursadaan dumar kale iyagoo ku sababameeyay in aanay u dulqaadan karin haweenka kale ee bilaa ragga ah ee dalka kula nool iyo in aanay caaddaalad ahayn inay gabadhi nin keligeed iska haysto.

Guurku waa arrin ballaadhan oo aan qoraal iyo dood lagaga gayoon karin, saas awgeed akhriste waxa aan rajeynayaa inay intani kuu noqon doonto fure yar amma iftiin yar oo ku saabsan arrinkan muhiim ah.

W/Q: Mukhtaar Axmed Nuur.

biixi223@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here