Xildhibaan James Carver Oo Dawladda iyo Dadka Somaliland Uga Mahadceliyay Soo Dhaweynta Loo Sameeyey

0
429

Xildhibaan James Carver Oo Dawladda iyo Dadka Somaliland Uga Mahadceliyay Soo Dhaweynta Loo Sameeyey

Hargeysa(Warsugan) Wasaaradda arrimaha dibada Somaliland ayaa shalay qaabishay Xildhibaan James Bruce Carver oo ka tirsan baarlamaanka Midawga Yurub. Xildhibaanka oo maalmihii u dambeeyay ku sugnaa Somaliland wuxuu u ololeeyaa qaddiyadda Somaliland, taasi oo uu marar badan ku soo hadal qaaday fadhiyada baarlamaanka Midawga Yurub.

Madaxda wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland, ayaa kulan albaabadu u xidhan yihiin shalay la qaatay mudanahan ka tirsan xisbiga UKIP ee dalka Ingiriiska, waxaanay ku falanqeeyeen sida hore loogu wadi karo qaddiyadda citiraaf raadinta Somaliland. madaxda ayaa hawlaha uu arrimaha aqoonsi raadiska ka wado uga mahadceliyay Mudane James.

“Xildhibaankan oo si heer sare ah mar walba ugu dooda aqoonsi raadiska Somaliland, waxaanu ka wada sheekaysannay waxyaabaha uu hore u qabtay iyo waxa uu qaban doono. Hawlo badan buu qaranka Somaliland u qabtay, waanan u mahadnaqaynaa. Waa ninka imbadan inooga dooda baarlamaanka Yurub, sidoo kalena inoo dhexmara Yurub oo dhan. Waanu is dardaarnay, wixii aanu is odhan karaynayna waanu is nidhi,” ayuu yidhi wasiiru dawlaha arrimaha dibada Maxamed Mixille Boqorre oo kulanka dib saxaafadda la hadlay.
Xildhibaan James Bruce Carver, ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay soo dhaweynta uu kala kulmay bulshada iyo dawladda Somaliland “Aad baan uga mahadcelinayaa soo dhaweynta diirran ee la igu qaabilay, hadday tahay Baarlamaanka, Xukumadda, iyo dalka oo dhan oo cid walba dhoolla caddayn igu qaabilaysay, ” ayuu yidhi Xildhibaanku.

Xildhibaan James Bruce Carver ayaa maalmihii u dambeeyay kulamo la lahaa Baarlamaanka Somaliland, Xisbiyada, Xukumadda iyo qaybaha bulshada, kuwaasi oo soo dhaweyn u sameeyay maaddaama uu dalka kala shaqeeyo arrimaha citiraaf raadinta oo muhiimad weyn u leh bulshada Somaliland.

Xigasho Wargeyska Warsugan
Hargeysa/Somaliland/Office
warsugan15@gmail.com
warsuganmedia@gmail.com