Xildhibaan Maxamed Jaamac Cabdi Oo Mar Kale Shaaciyey Musharaxnimada Guddoomiyaha Golahaasi, Beeniyeyna Warar Ay Warbaahinta Qaarkood Qortay

0
474

Xildhibaan Maxamed Jaamac Cabdi Oo Mar Kale Shaaciyey Musharaxnimada Guddoomiyaha Golahaasi, Beeniyeyna Warar Ay Warbaahinta Qaarkood Qortay.

Hargaysa(Warsugannews) Xildhibaan Maxamed Jaamac Cabdi oo ka mid ah golaha wakiilada Somaliland kana soo jeeda xisbiga talada dalka haya ee kulmiye isla markaana laga soo doortay gobolka sool oo hore u shaaciyey in uu yahay musharax u tartamaya guddoominimada golaha wakiilada Somaliland ka dib marka uu kursigaasi si iskii ah u baneeyo Guddoomiyaha xilligan ee golaha wakiilada Somaliland ayaa mar kale iclaamiyey hankiisa musharaxnimo waxaana uu beeniyey warar ku soo baxay qaar ka mid ah warbaahinta oo sheegay in xildhibaanada ka soo jeeda bariga Somaliland eek u jira golaha wakiiladu ay isku raaceen in guddoomiyaha golaha wakiilada loo doorto xildhibaan saleebaan cali koore, isagoo xildhibaan Maxamed Jaamac Cabdi warkaasi ku tilmaamay mid aan waxba ka jirin,Sidoo kalena aanay dhicin kulamo la isugu yimi oo sidaasi go’aan lagu gaadhay balse wada tashiyadu ay wali socdaan islamarkaana xildhibaanada golaha wakiiladu ay iyaga ka sugayaan go’aanka kama dambaysta ah ee ay gaadhaan.

Xildhibaan Maxamed Jaamac Cabdi oo la soo xidhiidhay Shabakada Wararka ee Hadhwanaagnews ayaa isagoo arintaasi ka hadlaya waxa uu yidhi:-“Waad Ogaydeen Wakhti Hadda laga Joogo Laba Bilood ayaan iclaamiyay inaan ahay Musharaxa Golaha Wakiilada ee deegaanada Bariga ah,qofkii ugu horeeyay ayaan ahay,Qofka labaad ee uu ahaan karaana waxa weeyaan Ninkan Xilka ku Fadhiya Ee Baashe Maxamed Faarax, waxa jira iyaguna rag kale oo xildhibaan Siciid Maxamd Cilmi, xildhibaan talyanle ka mid yahay ,oo ninka saleebaan cali koorene ka mid yahay oo ugu dambeeyey, markaana waxa aan aad ula yaabay maantayto war ku soo baxay wargeyska hubaal oo odhanaya arintii haddii aanu harti nahay way dhamaatay oo waxa ay u dhamaatay dhinaca ina koore, waxa aan leeyahay arintaasi ma dhamaan ,xidhibaanada golaha wakiiladuna hadda waxa ay naga sugayaan in aanu anagu cid u gayno ,marka aanu cid anagu u gaynana ay nagula shaqeeyaanayaan, markaa joornaalkaasi meel uu ka keenay arinka odhanaya arinbaa dhamaatay oo saddex geesoodbaa wax u dhamaadeena ma jirto ee waa arin golaha wakiilada u taala,

Xildhibaanka oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in beelaha dega bariga Somaliland kalkan loo daayey guddoomiye-nimada golaha wakiilada Somaliland waxaana uu yidhi:-“ waxa gobolada bariga si aamusnaan ah loogu ogolaaday in ay xilkaas iyagu isku soo sharaxaan teeramkan ,markaa waxa weeyaan ninka hadda ay ka hadlayaan ee saleebaan cali koore ahi waa ninkii noogu dambeeyey ee sheegtay in uu musharax yahay iyadoo dad la sheekaystay ay ii sheegeen in uu guddoomiye Ku xigeenka koowaad uu u sharaxan yahay oo aanu guddoomiyahaba u sharaxnayn “.

Tartankan ayaa yimi ka dib markii dhawaan si rasmiya uu u shaaciyey Guddoomiyaha golaha wakiilada Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(Ciro) in uu iska casilayo Guddoomiye-nimada golaha wakiilada Somaliland si uu ugu madax banaanaado hawlaha xisbiga waddani , in kasta oo aanu si rasmiya u cadaynin xilliga uu banaynayo jagada guddoomiyaha golaha wakiilada Somaliland.