Xildhibaan Wali Axmed Xaawa Oo Si Adag U Cambaareeyay Xadhiga Boqor Raabi

0
436

Xildhibaan Wali Axmed Xaawa Oo Si Adag U Cambaareeyay Xadhiga Boqor Raabi

Hargeysa(Warsugannews) Xildhibaan Weli Axmed Xaawa, ayaa si kulul u cambaareeyay xadhiga Boqor Raabi Yuusuf Cabdillaahi oo ay ciidamada Boolisku shalay xabsiga u taxaabeen.

Xildhibaan Weli, wuxuu sheegay in boqorka loo xidhay aragtidiisa uu ku diidanyahay in Banka Qoolcaday la xidho, “Boqorka xadhigiisa waan cambaaraynayaa, waxaanan xukuumadda ugu baaqayaa in shuruud la’aan lagu soo daayo, waayo Boqorka wax kale laguma haystee wuxuu ka hadlay in Banka Qoolcaday la xidho. Waxaan leeyahay hawsha banka qoolcaday haamah Berbera way ka darantahay, haddii dadka sidaas loo khasbana waa la arki doonaa dhibaatadeeda. Waxaan leeyahay haddii boqorka aan dambi kale lagu haysan oo lagu haysto maxaad u hadashay, waa in deg deg xorriyadiisa loogu soo celiyaa.” Ayuu yidhi Weli Axmed Xaawa.

Boqorka, waxa shalay xabsiga u taxaabtay xukuumadda Somaliland, waxaanu xildhibaan Weli sheegay in lagu haysto hadalo uu kaga horyimid Banka Qoolcaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here