Xildhibaanadii Soo Gudbiyay Mooshinkii Ka Dhanka Ahaa Madaxweynaha Somalila, Oo meel adag iska taagay Qoraal Uu Soo Saaray Guddoomiyaha Baarlamaanku

0
376

Xildhibaanadii Soo Gudbiyay Mooshinkii Ka Dhanka Ahaa Madaxweynaha Somalila, Oo meel adag iska taagay Qoraal Uu Soo Saaray Guddoomiyaha Baarlamaanku

Muqdisho-(Warsugannews)- Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, oo ahaa Xildhibaanadii dhowaan soo gudbiyay mooshinka ka dhanka ah Madaxweynaha Soomaaliya ayaa maanta soo saaray qoraal ay kaga jawaabayaan go’aan maalin ka hor ka soo baxday Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia, oo ka hadlayay Maareynta Mooshinka Madaxweynaha iyo in mooshinka lagu dhameeyo wada hadal.

Qoraalkan ay Xildhibaandu soo saareen waxa ay si adag ugu dhaliileen Sharciyadda uu adeegsaday Guddoomiyaha Baarlamaanka xilligii uu warqada soo saaray oo uu ahaa Ku simaha Madaxweynaha, isla markaana Madaxweynaha dalka ka maqnaa, waxaanay sheegeen in aanay habooneyn in aan la isku dhafin awoodaha Hey’adaha dowladda, sida Dastuurka qabana ay tahay in hay’ad walba ay madax banaan tahay, waajibka saarana u gudato sida dastuurka waafaqsan.

waxaanay Xildhibaanadu xuseen sheegay in mooshinka laga keenay Madaxweynaha ay lagama maarmaan tahay in loo maro sida dastuurka dalka uu qabo.

Xildhibaanadu waxa ay ku dalbadeen qoraalkoodan in la dar dar geliyo hab raaca socodsiinta Mooshinka Madaxweynaha, iyaga oo ka digay in aan dalka loo horseedin khilaaf aan dhamaan iyo inuu khilaaf run ah ka dhex qarxo Baarlamaanka, iyaga oo ku baaqay in mooshinka loo gudbiyo Maxkamadda sare ee dalka oo isku bedeleysa Maxkamad dastuuri ah muddo ka kooban saddex cisho, kana bilaabaneysa 7-da bishan, kuna eg 9-ka bishan, waxaanay ka digeen cawaaqibka ka dhalan kara hadidi aan Maxkamadda sare loo gudbin Mooshinka ay tallaabo sharciga waafaqsan qaadi doonaan, waxaanay Xildhibaandu ka dalbadeen Guddoomiyaha Baarlamaanka inuu xilkiisa u guto si dastuuro ah, oo waafaqsan dastuurka iyo xeer hoosaadka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here