Xisbiga KULMIYE Oo Maanta Aqbalay Murrashaxnimada Maayirka Magaalada Hargeysa+SAWIRRO

0
307

Xisbiga Talada Somaliland haya ee KULMIYE, ayaa maanta aqbalay murrashaxnimada Golaha Deegaanka ee Maayarka Caasimadda Hargeysa Candiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco), kaas oo doonaya inuu mar kale ka mid noqdo Murrashaxiinta Golaha Deegaanka ee Hargeysa, gaar ahaan Murrashaxiinta xisbiga KULMIYE.

Maayar Soltelco, oo ay weheliyaan Waxgaradka Beeshiisa, ayaa waxa Xarunta KULMIYE ku qaabilay Guddoomiye Kuxigeenka Labaad ee Xisbiga KULMIYE Axmed Cabdi Dheere, Afhayeenka Xisbigaas Cabdinaasir Buuni iyo Guddoomiyaha Gobolka ee Xisbigaas Cabdiraxmaan Hadhiye iyo madax kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here