Xisbiga Wadani Oo Xili Danbe Soo Hambabaray Qalab Ciyaareed Aan Tayo Lahayn Oo Wakhtigiisii Dhacayna Ku Wareejiyey Dhalinyaro Ka Mida Magaalada Borama.

0
454

Xisbiga Wadani Oo Xili Danbe Soo Hambabaray Qalab Ciyaareed Aan Tayo Lahayn Oo Wakhtigiisii Dhacayna Ku Wareejiyey Dhalinyaro Ka Mida Magaalada Borama.

Borama(Warsugannews) Xisbiga Wadani ayaa Maanta Deeq Agab Ciyaareed aan Tayo Lahayn Ku wareejiyey Gudida Gacanta ku Haysa Koobka Ka Socda Garoon Khayriyada Borama Qalabkaasi oo ah Hal Cup Iyo Garamaan la sheegay in ay ahayeen kuwa copy oo ah kugu jaban garamaanta kubada lagu ciyaaro taasi oo muujinaysa in xisbigu qiimo badan ugu fadhiyin dhalinyarada Gobolka Awdal Halka Xisbigu Uu Gobolada Kale ka Bixinayey Agab Tayo Leh.

Deeqda aan Burnayn ayaa Loo Soo Wakiishaday Gudoomiye Ku Xigeenka Koowaad Ee Xisbiga Wadani Seed Oo Samayn Siyaasadeed Gobolka Ku Lahayn Isla Markaana Kasban Karin Quluubta Shacabka Iyo dhalinyarada Iyada Oo deeqdan Xisbiga Ka Timid ay Ka Danbaysay Ka dib Markii Maqaal Ay aad uU dhibsadeen Masuuliyiinta Wadani Laga Qoray oo aad Uga Hadlayey In Xisbiga Wadani Uu Tageeradii Dhalinyarada Reer Awdal ay Ku Lahaayeen Ku Gacan Saydhay Ka Dib Markii Uu Xisbigu Uu Danayn Waayey Dhalinyaradaasi.

Si Kastaba ahaate Xisbiga Wadani ayaa Deeqdan aan Micnaha Badan lahayn aan ku Kasban Karin Quluubta Dhalinyarada G.Awdal Oo Quus Balaadhan Ka Taagan Isla Markaana Ku Tilmaamay Xisbi aan Shacabkiisu Uu Sinayn Oo Ku Caan baxay Qabyaalad Iyo Cadalad Daro Uu Dhalinyarada Somaliland Uu Kala Sameeyo.

By.Eng.Mahamed Hassan (Sharbi Yare)

Borama/Awdal.