Xukumada Somaliland Oo U Soo Jeedisay Indha – Heega Dhinaca Gobolka Awdal.By Maxamed Jeex

0
705

Xukumada Somaliland Oo U Soo Jeedisay Indha – Heega Dhinaca Gobolka Awdal.By Maxamed Jeex

Sidaasi darteed waxaan odhankarnaa xukumadan maanta joogtaa waa xukumadii wax qabadka ee maaha xukumadii hadalka.

Madaxweyne silaanyo oo dhagaxaan badan dhigay meelo farabadan oo kamid ah gobolada galbeedka somaliland sida gobolka Awdal iyo Salal ayaa waxaa jirtey in madaxweyne silaanyo uu dhagaxaan dhigay dekeda lughaya ,wadada isku xidha borama iyo lawyacado, wadada isku xidha dilla iyo kalabaydh,waxa kaleh oo uu dhagax dhigay gurigii madaxtooyada ee caasimada labaad ee borama.

Hadaba 5 shantii sano ee la doortey madaxweyne silaanyo markii ay dhamaatey ayaa waxaa la bilaabay in talaabadii ugu horeysay ee wax qabad laga bilaabay aqalka cad ee borama in dhismihiisii si dhab ah loo bilaabay.

Sidaasi darteed waxaan odhankarnaa xukumadan maanta joogtaa waa xukumadii wax qabadka ee maaha xukumadii hadalka.

Waxaan leeyahay madaxweyne silaanyo iyo ku xigeenkiisa mudane saylici waxaad qabateen cid welba wey ogtahay oo waxaan cadaynaynaa inaad dalkan wax weyn u tarteen qof kastaana uu arkayaan wax qabadka xukumada somaliland.

Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa waxaan odhan lahaa si dhaqaaluhu u sii hagaago waa inaad dhistaan dekedii lughaya waayo? Dekedaasi waxay wax katari dhaqaalaha dalka oo dhan ee waa inaad ku dhiirataan dhisideeda.

Allaa mahad leh

By maxamed jeex

Brussels.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here