Xukuumadu Waa Ku Mahadsan Tahay Gurmadka Abaaraha Gobolada Bariga Somaliland

0
418

Xukuumadu Waa Ku Mahadsan Tahay Gurmadka Abaaraha Gobolada Bariga Somaliland

Inkastoo abaari xoogani ka jiraan bariga Somaliland waxaa hubaala in lagu samatabaxo oo keliya gacanta Ilaahay, hadana aadamaha gurmadkiisu waa wax aan laga maarmi karin, waxaan doonayaa isla markaana aan qalinka u qaatay inaan taabto oo wax ka idhaahdo Gacanta ay Xukuumadda Somaliland ka geysatay gurmarka Abaaraha bariga.

Runtii Xukuumada uu hogaamiyo Madaxweyne siilaanyo ee hada mudadada Todobada Sannadood ah Xilka haysay, waxay samaysay gurmad balaadhan oo aanay waxba la hadhin waxaanay markiiba ku baaqday Hal Milayn oo Doolar halka sidoo kalena ay baaq u dirtay Beesha Caalamka, Dedaalka ay Xukuumadu samaysay waxaa kamida inay isugu yeedhay Ganacsatadii wa weynayd kuwaasi oo iyaguna dhankooda ku baaqay dhaqaale Hal Milyan oo Doolar iyo Saaid ah, Waxaan odhan karnaa Xukuumadu iyadoo masuuliyada dadka haysa hadana lama odhan karo way dayacday waxaan odhan karnaa waajibkeedii iyo xilkeediiba waa guatay.

Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo iyo Xukuumadda uu gadhwadeenka ka yahyba waxay dalka waxay ka fuliyeen horumar balaadhan oo aan indhaha aadamaha ka qarsoonayn, mudadaasi ay xilka haysay waxay, waxaa suuro galay kor u kaca dhaqaalaha iyo Miisaaniyadda Qaranka , sidoo kalena waxay xukuumadu gacan balaadhan ka geysatay Abaarihii Gobolada Galbeedka ee sanadkan horaantiisii ka ahaa, kuwaasi oo Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo uu ku tagay Safar kuna soo arkay indhihiisa.