Yaa ku guuleystay abaal marinta BISHA ee horyaalka La Liga????

0
743

Waxaa la bixiyay abaal marinta laacibka ugu fiican bishii November ee horyaalka La Liga iyadoo uu ku guuleystay qof aan loo fileyn.

Waa dhif iyo naadir in goolhaye loo caleemo saaro laacibka bisha iyadoo lagu abaal marinayo howsha uu qabtay, goolhayaha Espanyol Diego Lopez ayaa loo gacan galiyay abaal marinta laacibka bisha kaddib wacdaro uu dhigay.

Lopez ayaa la gaari waayay shabaqiisa dhammaan 586-daqiiqo uu ciyaaray, wuxuuna ku rajo wayn yahay inuu Messi iyo Barcelona ka ilaashado shabaqiisa kulanka berito ee Catalan Derby.