Zuma oo ka tanaasulay hakinta warbixin ku eedeynaysa musuq

0
493

Madaxweynaha Koonfur Afrika Jacob Zuma ayaa ka tanaasulay dedaal uu ku doonayay in aan la shaacin warbixin ku eedeynaysa in xiriir kala dhaxeeyo qoys maalqabeen ah oo deggan dalkaasi.
Qareenada u doodaya Zuma ayaa go’aankaasi u gudbiyay maxkamadda sare ee dalkaasi ee fadhigeedu yahay magaalada Pritoria, basle ma aysan shaacin sababta go’aankaasi loo qaatay.
Kooxaha mucaaradka ayaa dibadbaxyo ka dhigaya magaalooyinka waaweyn ee dalkaasi, waxa ayna dalbanayaan in madaxweyne Zuma uu xilka ka dego.
Madaxweynaha ayaa muddo ka badan taban sano waxa uu wajahayay eedeymo la xiriira musuqmaasuq, balse waxa uu dhawr jeer beeniyay eedeymaahaasi.
Warbinta uu haatan muranka ka taagan yahay ayaa waxaa soo diyaarisay madixii hore ee la dagaalanka musuqmaasuqa dalkaasi Thuli Madonsela, waxaana la rumeysan yahay in ay xambaarsan tahay eedeymo culus oo ka dhan ah madaxweynaha.
Madonsela ayaa baaritaan ku sameysay eedeymo sheegayay in madaxweynaha uu u ogolaaday qoyska maalqabeenka ah ee Guptas in ay saameyn ballaaran ku yeeshaan dowladdiiisa.
Xubnaha qoyskan ayaa lagu eedeeyay in ay isku dayayaan in ay saameyn ku yeeshaan magacaabidda golaha wasiirada, si ay u fushadaan dano ganacsi oo iayaga u gaar ah.
Madaxweyne Zumna iyo qoyskaasi Guptas ayaa dhammaan beeniyay eedeymahaasi.
Dedaalada madaxweyne Zuma uu ku doonayay in uu isku hortaago shaacinta warbixintaasi ayaa waxaa loolan geliyay xisbiyada mucaaradka, kuwaasi oo hadda dalbanaya in madaxweynaha uu bixiyo kharashka uga baxay doodda arrintan.
Hoggaamiyaha xisbiga EFF Julius Malema oo horey uga tirsanaan jiray xisbiga haya talada dalkaasi ee ANC ayaa sheegay in xisbigiisa uu maxkamadda ka codsan doono in ay amar ku bixiso in warbixintaasi si deg deg ah loogu soo bandhigo shacabka.