Jaamacadda ugu wayn dalka Uganda oo la xiray

0
523

Ciidammo dheeraad ayaa la geeyay faraca jaamacadda ugu wayn dalka Uganda ee Makerere ay ku leedahay caasimadda Kampala ka dib markii uu madaxweyne Museveni amray in la xiro.
Ammarkaasi ayaa waxa uu ka dambeeyay markii booliska iyo ardada jaamacadda ay isku dhaceen Talaadadii. Booliska ayaa adeegsaday qiiqa dadka ka ilmeysiiyo si ay ukala eryaan ardadada oo ka careysan macallimiintooda oo shaqada ka fariistay. Aradada waxay doonayaan in macallimiintooda oo fasalada ka maqnaa muddo isbuuc ah ay dib u soo laabtaan.
Macallimiinta ayaa ka cabanaya inaysan helin mushaarkoodii muddo sideed bilood ah, waxayna wacad ku mareen inay sii wadi doonaan shaqo joojinta ilaa ay lacagahooda ay ka helayaan.
Mr Museveni waxa uu sheegay in jaamacadaasi uu u xiray si uu u hubiyo badqabka ‘ardada iyo hantida’. Ardada ayaa hadda billaabay inay isaga baxaan jaamacadda.