Gareth Bale oo uu dhaawac soo gaaray kulankii xalay. Waa sidee xaalkiisa…?)

0
331

Gareth Bale oo uu dhaawac soo gaaray kulankii xalay. Waa sidee xaalkiisa…?

Madrid(warsugannews) Tababaraha Real Madrid Rafael Benitez ayaa qiray in uusan hubin mudadda uu garoomadda ka maqnaan doono Gareth Bale kaddib markii uu ku dhaawacmay kulankii Shakhtar Donetsk.

Cristiano Ronaldo waxa uu gaarsiiyey goolashiisa Champions League 80 isaga oo xalay dhaliyey saddexely kulanka oo ku soo dhamaaday 4-0. Hase ahaatee, Bale waxaa kulanka laga saaray qeybtii hore kaddib markii uu soo gaaray dhaawac.

“Dhaawacyadda waa war xun,’ ayuu tababaraha reer Spain u sheegay wariyeyaasha. “Kooxda jir ahaan wey wanaagsantahay, laakiin waa in aynu sugnaa maalin ama laba si aynu u aragno inta ay le’egyihiin dhaawacyadda Bale, Ramos iyo Varane. Laakiin aad ayaan ugu raja-weynahay.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here