Manchester City oo Hogaanka Horyaalka Sii Xoojisatay Kadib Guul Ay Ka Gaadhay Everton

0
460

Manchester City oo Hogaanka Horyaalka Sii Xoojisatay Kadib Guul Ay Ka Gaadhay Everton.

Kooxda Manchester city ayaa wali sii wado guulaha ay ka gaadhayso horyaalka Ingiiriska xilli ciyaareedka cusub kadib markii ay caawa gaadhay guushii 3-aad oo xadhiidh ah, horyaalka Premier League xilli ciyaareedka 2015-2016.
Goolal ay qeybtii dambe ciyaarta kala dhaliyeen Aleksandar Kolarov iyo Samir Nasri ayaa ka caawisay hogaamiyayaasha horyaalka Ingiriiska Manchester City inay 2-0 ugu badiso kooxda Everton.
Kulankaan oo ka dhacay garoonka Goodison Park oo ayku ciyaarto naadiga Everton ayaa waxaa qeybtii hore lagu nastay bar baro goolal la’aan ah oo labada koox ay iska dhalin waayeen goolal.
Aleksandar Kolarov iyo Samir Nasri oo ahaa labada ciyaaryahan ee goolasha ay ku badisay Manchester City u dhaliyay ayaa badal kusoo galay ciyaartan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here