MASAAJIDKA UGU WEYN QAARADDA YURUB OO MAANTA LAGA FURAY MAGAALADA MOSCOW + SAWIRADA

0
871

MASAAJIDKA UGU WEYN QAARADDA YURUB OO MAANTA LAGA FURAY MAGAALADA MOSCOW + SAWIRADA

Masaajidka ugu weyn Qaaradda Yurub, ayaa maanta laga furay Xarunta Wadanka Ruushka ee Magaalada Moscow, iyadoo ay mar qura ku tukan karayan illaa 10 kun oo ruux.

Masaajidkan oo laga hirgeliyay bartamaha Magaalada Moscow, ayaa noqonaya Masaajidka ugu weyn uguna dheer ee Masaajida ku yaala dalalka Yurub, sida uu sheegay Vladimir Putin, Madaxweynaha Ruushka.

Madaxweynaha, ayaa maanta xadhiga ka jaray Masaajidkan, wuxuuna sheegay Islaamku in uu ka mid yahay dhaqan ahaan diimaha ay dadka Ruushku aaminsan yihiin.

Madaxweynuhu wuxuu ammaanay dagaalka uu Islaamka kula jiro ururada mayalka adag ee dunida ka jira, isagoo tilmaamay dhibaatada ay gaysanayan xagjiriinta inaanay ka turjumayn macnaha Islaamka.

Madaxweynayaasha Turkiga iyo Falastiin, Recep Tayyip Erdogan iyo Mahmoud Abbas, ayaa ka qaybgalay munaasabaddii maanta xariga looga jaray Masaajidkaasi.

Recep Tayyip Erdogan, Madaxweynaha Turkiga, ayaa sheegay in Islaamku uu yahay mid nabadeed, dhinaca kalana wuxuu booriyay tallaabada Masaajidkan looga dhisay Magaalada Moscow.

25e438c4

55a76436

068bb21c

81cda4f2

783ed496

960b88b7

A pedestrian walks near the Moscow Grand Mosque before an opening ceremony in Moscow, Russia, September 23, 2015. The new mosque, which was erected on the site of the city's original mosque built in 1904 and which has been under reconstruction since 2005, will be able to accommodate up to 10,000 people simultaneously, according to local media. REUTERS/Maxim Zmeyev
A pedestrian walks near the Moscow Grand Mosque before an opening ceremony in Moscow, Russia, September 23, 2015. The new mosque, which was erected on the site of the city’s original mosque built in 1904 and which has been under reconstruction since 2005, will be able to accommodate up to 10,000 people simultaneously, according to local media. REUTERS/Maxim Zmeyev

a02d5818

b2c042d9

ca09d1a6

d18f1bb6

ef766fe3

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here