Muwaadin Cabasho Ka Muujiyey Tacadi Uu Kula Kacay Hoggaanka Hawl-Gelinta Ciidammada Booliska Somlailand

0
612

Muwaadin Cabasho Ka Muujiyey Tacadi Uu Kula Kacay Hoggaanka Hawl-Gelinta Ciidammada Booliska Somlailand

Hargeysa()Muwaadin Jaamac Faarax Cali Oo ka mid ah Qurbe joogga reer Somaliland ee hada dalka ku sugan ayaa cabasho ka muujiyey tacadiyo uu sheegay I nuu kala kulmay hoggaanka hawl-gelinta ciidammada booliska Somlailand Gaashaanle Maxamuud Ducaale Cali. muwaadinkan qurbe jooga ahi kaga hadlay tacadi uu sheegay in hoggaankan uu kala kulmay xilli uu ku marayay mid kamid ah waddooyinka waaweyne ee Caasimadda, waxaanu sheegay in isaga oo wata baabuur yar oo kuwa raaxada ah uu gaashaanlaha oo isna watay gaadhi kale oo ka dembeeya kiisa uu faro saaray, markii uu damcay in uu iska dhiciyana loo sheegay derejadiisa sida uu ku sheegay

Sidaasina waxaa uu ku sheegay Qoraal kooban oo lagu baahiyey Qaar ka mida Mareegaha Wararka Somaliland , qoraalkaasina waxa uu u dhignaa sidan: Waxaanu yidhi “Waan naxay oo waan dawakhay meel aan marayana waan garan-waayay,kadib markii uu I dhirbaaxay Hogaanka hawlgelinta Ciidanka Booliska Maxamuud Ducaale Cali mana garanayo sababta uu ii dhir-baaxay, waxaan watay gaadhi yar, isaguna uu iga danbeeyey kadib waxa uu ii tumay hoonka oo uu ku celceliyay, balse meel aan maraa may jirin oo waddadu way xidhnayd oo jam ayay ahayd, inta uu soo dagay ayuu labada indhood igu dhuftay waan dawakhay meel aan marayo waan garan-waayay, isaga oo weliba qeylinaya oo kibirsan, isla markaana waxa uu ku labisnaa dharkii Ciidanka Booliska. Anigu Maxamuud Ducaale Cali maan garanayn aqoona umaan lahayn, balse markii aan wareystay dadka waxa lay sheegay in ka baddan boqolaal qof inuu ula tagay gacantiisa, kuna garaacay. Waddankii Shisheeyaha ee aan ka imi weligay Askari gacan imuu saarin imuuna dhirbaaxin, marna niyadeyda kumay soo dhicin in waddankaygii hooyo iyo Hargeysa oo aan ku dhashay ayuu Hogaankii hawlgelinta Ciidanka Booliska Somaliland kugu dhirbaaxi doona suuqa badhtamaha Hargeysa. Sidaa daradeed waxaan ku talin lahaa in si degdega xilka looga qaado Maxamuud Ducaale, waayo ma sii hayn karayo.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here