Prof. Axmed Ismaaciil Samatar Oo ku bogaadiyay Faysal Cali Waraabe sida uu ugu babac dhigay su’aalo dhawaan lagu waydiiyay madal telefishanka HCTV soo abaabulay

0
430

Prof. Axmed Ismaaciil Samatar Oo ku bogaadiyay Faysal Cali Waraabe sida uu ugu babac dhigay su’aalo dhawaan lagu waydiiyay madal telefishanka HCTV soo abaabulay

Hargeysa(warsugannews)Prof. Axmed Ismaaciil Samatar, ayaa Siyaasiyiinta Somaliland ku dhiiri galiyay in la waydiiyo su’aalo bulshada kaga yimaada, kuwaasi oo lagu waydiiyo fagaare gaar ahaana telefishannada hortooda iyadoo umaddu wada arkayso. Prof.ka ayaa arrimahan kaga hadlay dhambaal uu ka soo diray gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka.

Prof. Samatar, ayaa hogaamiyaha Ucid Eng. Faysal Cali Waraabe, ku bogaadiyay sida uu ugu babac dhigay su’aalo dhawaan lagu waydiiyay madal telefishanka HCTV soo abaabulay. Waxa uu sheegay inuu su’aalaha dhalinyarada uga jawaabay si macquul ah oo dhiiranaan leh, islamarkaana macluumaad ku kordhisay dhalinyarada su’aalaha waydiisay.

Prof. Samatar ayaa sidoo kale hambalyeeyay dhalinyarada ka qayb qaadatay barnaamijkaasi su’aalaha tooska ah lagu waydiinayay Eng Faysal Cali Waraabe. Waxa uu sheegay in dhalinyaradu su’aalahooda u dhigayeen si macquul ah oo fikir ku dhisan.

Prof-ku waxa uu siyaasiyiinta Somaliland ku booriyay inay ka qayb galaan barnaamijyada dadweynuhu ku waydiinayaan su’aalaha tooska ah, gaar ahaana xilliyada doorashooyinku soo dhaw yihiin, si dadweynuhu fursad ugu helaan su’aalo waydiinta, taasi oo shacabka ka saacidaysa xulashada iyo kala saarista dadka hogaanka dalka hananaya.

Prof. Samatar wuxuu ugu dambeyn telefishanka HCTV ku bogaadiyay agaasinka madasha ama barnaamijka su’aalaha lagu waydiinayo siyaasiyiinta, isagoo ku booriyay joogtaynta barnaamijyada noocaasi ah. Waxa uu sheegay in barnaamijkani qayb ka yahay talooyin Prof.ku siiyay telefishanka xilli Hargeysa telefishanku waraysi kula yeeshay.

Prof. Samatar ayaa hore u sheegay in hadduu ka qayb galo siyaasadda amma u tartamida hogaanka dalka uu diyaar u yahay in barnaamijyo toos telefishannada uga baxaya oo musharaxiintu ku soo bandhigaan hammigooda, islamarkaana lagu soo qufo waxa uurkooda ku jira.

warsugannews

warsugamedia@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here