Ururka Samafalka ee Hayaan Ayaa dhagax dhigay Waadh Cusub oo ururkaasi ku biirinayo Cusbitaalka Salaxley iyadoo uu Ururka Hayaan uu hore u hirgaliyay Waadh iyo Madbakh .

0
906

Ururka Samafalka ee Hayaan Ayaa dhagax dhigay Waadh Cusub oo ururkaasi ku biirinayo Cusbitaalka Salaxley iyadoo uu Ururka Hayaan uu hore u hirgaliyay Waadh iyo Madbakh .

Salaxlay(Warsugannews)Munaasibad kooban oo ka dhacday Magaalada Salaxley ayaa waxaa ka soo qeyb galay Masuuliyiin kala Duwan oo ay ka mid ahaayeen Gudoomiyaha Ururkaasi Hayaan Mudane C/naasir Dhoollayare , Marwo Ifraax Cali Cumar oo ah khasnajiga Ururkaasi , Maxmed Xasan Bardaax oo ah Xidhiidhiyaha Ururkaasi , Yusuf Jaamac Baaruud oo ah xubin firfircoon oo ka tirsan Ururkaasi Hayaan , Xildhibaan Siciid Maxamed Libaaxow, Boqor Raabi Yuusuf C/laahi , Xubnaha Guddida Ku Meel Gaadhka ah ee Beesha Deegaankaasi , Agaasimaha Waaxda Adeegga Caafimaadka ee Wasaaradda Caafimaadka Cabdi Cawil Cabdi iyo Masuuliyiin kale .

Ugu Horeen waxaa halkaasi Gudoomiyaha Ururka Hayaan Mudane C/naasir Dhoollayare waxaanu sheegay in ay maanta dhagax dhigayaan Waadhkii labaad kaas oo noqonaya ayuu yidhi Waadhkii labaad Ee ururka Hayaan ka hirgalinayo Cusbitaalka Salaxley “ Ujeddada isugu nimid waxaa weeye waxaanu dhagax dhigaynaa Waadhkii labaad oo uu dhagax dhigayo Ururka Hayaan , maaha kii ugu horeeyay ee waxaa nooga horeeyay waadhkan aynu hor taaganahay iyo Kijjo halkaa ka muuqataa , kan aanu dhagax dhigi doonaanaa wuxuu noqon doonaa mid kan ka wayn oo 20 Sariirood lagu xareeyo waxaa ku xigi doonaa laba waadh oo kale oo xafiisyo ku jiraan , Waxaan doonayaa in aan halkan iyagan uga mahadnaqo Ururka Haweenka Gaaroodi oo nooga horeeyay oo dhisay Isna dhakhtarkan dhankan inaga xigaa , ..”

Gudoomiyaha ayaa Xubnaha Ururka Hayaan ka raalli galiyay Arrin uu sheegay in ay muran dhalisay oo ka dhacday Waadh uu ururka Hayaan dhisay .
DSC01926

DSC01930

DSC01931

DSC01936

DSC01937

DSC01940

DSC01942

DSC01944

DSC01955

DSC01959

DSC01963

DSC01966

DSC01969

DSC01970

DSC01971

DSC01973
Agaasimaha Cusbitaalka Salaxley Jawhar Aw Cali iyo Agaasimaha Waaxda Adeegga Caafimaadd ee Wasaaradda Caafimaadka cabdi Cawil Cabdi oo iyana halkaasi ka hadlay ayaa u mahad naqay Ururka Hayaan .

Xubnaha Guddida ku meel Gaadhka ah ee Beesha Deegaankaasi , XIldhibaan Siciid Maxmed Libaaxow iyo Boqor Raabi oo halkaasi ka hadlay ayaa bogaadiyay Ururka Hayaan iyagoo ku dheeraaday wax wada qabsigu qiimaha uu leeyahay ;

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here