Adoo Haysta QARAN, Ha Ku Doorsan QABIIL! W/Q: Eng. Xuseen Adan Cige (Xuseen Deyr)

0
757
????????????????????????????????????

Adoo Haysta QARAN, Ha Ku Doorsan QABIIL!

W/Q: Eng. Xuseen Adan Cige (Xuseen Deyr)

QABIILKA iyo QARANNIMADU waa laba shay oo aan is-qaban karin! Sidoo kale, Qabiilka iyo Hannaanka Dimuqraadiyadduna waa isku dab iyo dhagax. Nasiib darrada haatan ummadeena haysata waxa weeye in Dareen-Wadareedka Ummadnimo oo ah sida keliya ee QARAN lagu dhiso uu bulshadeenna aad ugu ku yar yahay, halka uu Dareen-Wadareedka Qabiilka oo cadow u ah QARANNIMADA uu aad ugu badan yahay ummaddeena.

Aasaaska iyo jiritaanka Qarannimada waxa saldhig u ah dareen-wadareed shacab oo qotodheer oo ay muwaadiniintu ka siman yihiin kaasoo guud ahaanba muwaadin kasta si joogta ah ugu baraarujiya in Dalka, Dadka iyo Qarannimadu ay leeyihiin mudnaanta iyo muhimadda koowaad.

Haddaba, haddii aad u fiirsato xaaladaha la yaabka leh ee waqtigan xaadirka ah dalkeena ka jira, waxaad arkaysaa in Qofkii ka hadla ama isku hawla Danta Guud ee Ummadda iyo arrimaha u adeegaya Qarannimada uu bulshada dhexdeeda ku sifoobo qof QALDAN, guul-wade, kaba-qaad, iwm. Dhinaca kale, Qofkii ka hadla arrimaha qabiilka, tabashooyinka iyo saami-qaybsi beelaysana bulshadu waxay u aqoonsataa SAXANE iyo GEESI ka dhiidhiyey caddaalad darro, isla markaana badka soo dhigay danta gaarka ah ee uu reerkoodu leeyahay.

Dhinaca kale, marxaladda uu maanta dalkeenu marayo waxa muuqata in horumar kasta oo uu Qarankeenu ku tallaabsado ay daboolayaan Tabashooyin Beelaysan oo salka ku haya inaanay beesha reer-hebel ka helin xukuumadda sadkii iyo saamigii ay xaqa u lahaayeen. Miyaanay nasiib darro inteeda leeg ahayn marka daryeelka danaha Qabiilka laga horraysiiyo dananaha guud ee ay Ummaddu wada leedahay iyo halka ay maslaxadaha Qaranku ku jirtaan!

MIDNIMADA IYO WADAJIRKA SHACABKA AYUU XALKU KU JIRAA!!!

Midnimada iyo Wadajirku waa awood iyo karti Shacab oo aan la loodin karin oo ay ummadi iskaga difaaci karaan cadawgooda noocyada badan leh. Sidoo kale, Midnimada iyo Wadajirku waa duxda kobcisa wax-wada-lahaanshaha, is-aaminaada iyo kalsoonida ay shacabku dhexdooda isku qabaan.

Waqtigan xaadirka ah, Dalkeena waxa jira qaybo ka mid ah Hoggaanka dhaqanka, Siyaasiyiin iyo Wax-garad u dhashay JSL oo iyagu wax tabanaya ama saluug ka qaba Xukuumadda haatan talada haysa. Dabcan, waa waajib in laga garaabo isla markaana si dhab ah wax looga qabto wixii saluug, tabashooyin iyo caddaalad-darro ah ee jira. Laakiin waxa ila quman in Hoggaanka dhaqanka, Siyaasiyiinta iyo Wax-garadka iyagu wax saluugsani ay noqdaan kuwo garan kara miisaanka iyo mustawaha uu leeyahay xilka ay bulshada u hayaan. Waa inay noqdaan kuwo qiyaasi kara saamaynta ay hadalladoodu ku yeelan karaan Qaranimada iyo wada-noolaanshaha bulshada walaalaha ah.

DABCAN, Madaxweynaha iyo Xukuumaddiisa waa laga caban karaa waana lagu dhalliili karaa wixii ay ku qaldan yihiin, ummadduna xaq bay u leeyihiin inay la xisaabtamaan Xukuumadda haatan talada haysa. Laakiin, ummad ahaan waxa inagu waajib ah in laga fogaado wax kasta oo magac-xumo, sumcad-darro iyo meel ka dhac ku ah milgaha Dalka iyo Dadka JSL, ama wax u dhimaya wadajirka bulshada iyo haybadda Qaranka. Ma qumana in wax walba laga raadiyo fursad siyaasadeed oo lagu dhaleeceeyo ama lagaga aar-goosto kolba ciddii hogaanka dalka haysa.

Nasiibdarro, waxa muuqata inaynu ummad ahaan durba si dhib-yar u ilownay waayihii iyo waqtigii adkaa ee shalay ina soo maray! Waxa muuqata in aynaan dhaadayn qiimaha ay naf iyo maalba ku kacday Nabadda, Xorriyadda iyo Qarannimada aynu maanta hadhsanayno. Haddii aynu nahay ummad in uun dareensan waayihii iyo waqtigii adkaa ee shalay ina soo maray, inagoo HAYSANA QARANNIMO yeynaan ku DOORSANIN QABAA’IL ama REERO!!

GABAGEBO:
Xukuumadda haatan talada haysa ee uu gadh-wadeenka ka yahay M/weyne Muuse Biixi Cabdi waxaan u soo jeedin lahaa inay dedaal dheer iyo juhdi midaysan u gasho sidii ummadda JSL loo midayn lahaa, wadajirkoodana loo adkayn lahaa. Xukuumadda waxa ku waajib ah inay si dhab ah u dareento dhibaatooyinka ka dhalan kara kala-qaybsanaanta iyo kala-furfurka Bulshada. Xukuumadda waxa la gudboon inay la timaado aragti, hal-abuur iyo barnaamijyo tayo leh oo kor loogu qaadayo Garaadka iyo Dareenka Waddaninnimo, Wadajirka iyo Ahaanshaha Ummadnimo ee Bulshada JSL, gudaha iyo dibeddaba.

Wa Billaahi Tawfiiq,

Xuseen Adan Cige (Deyr)