Afar Waxyaabood Oo Sabab U Noqon Kara In Luis Suarez Uusan Ciyaarin Kulanka Ay Barcelona La Leedahay Deportivo La Coruna

0
382

Waxaa Qoray: yaasir br

Gooldhaliyaha ugu sareeya kooxda Barcelona ee xili ciyaareedkaan Luis Suarez ayaa laga yaabaa inuu caawa seego kulanka ay la leeyihiin kooxda Deportivo La Corona.

Hadaba Maxay Tahay Sababta Uu Caawa Kulankaan Ku Seegi Karo ?

Wuxuu Halis Ugu Jiraa Kaarkiisii 5aad

Gooladhaliyaha Barcelona ayaa qaba afar kaar oo digniin ah wuxuuna halis ugu jiraa inuu qaato kaarkiisii 5aad oo digniin ah wuxuuna seegi doonaa kulanka Valencia hadii uu qaato kaar digniin ah caawa.

Daal

Marka laga hadlo weerar sadex geeska ah, Luis Suarez ayaa ah qofkii ugu danbeeyay ee ka yimaada kulamada caalamiga ah, wuxuuna ku yimid safar aad u dheer. Messi ayaa ku sugnaa Barcelona halka Neymar uu ganaax ku seegay kulankii labaad ee Brazil wuxuuna soo laabtay xili hore laakin Suarez ayaa u baahan nasiino.

Kulanka MANCHESTER CITY

Inkastoo uusan Luis Enrique qiran karin, sidoo kalena ay kaaliyeyaashiisa ku qanacsaneyn, hadana kulankooda ay kooxda  Pep Guardiola ee Man City la leeyihiin ayaa ku noqon kara Suarez mid uu ka daalo sidaasi darteed waxaa suurogal ah in la nasiyo kulanka Depor si uu taam buuxa ugu noqdo kulanka UCL.

Daqiiqado In Loo Helo ALCACER

Luis Suarez hadii la nasiyo waxya daqiiqado siin doontaa Paco Alcacer kaasoo wali raadinaya goolkiisii koowaad tan iyo markii uu ka yimid Valencia xagaagii.