Aqoonyahan Cabdilaahi Sh Aadan Oo Fulinta Go’aankii Golaha Guurtidu Ka gaadheen Xalinta Baliga Diiriye Guuleed Ku Edeeyey In Hortaan Yahay Wasiir Ku Xigeenka Arimaha Gudaha Somaliand

0
353

Jamhuuriyada somaliland
uj: war saxaafadeed

waxaan war-saxaafadeedkan kaga hadlayaa arinta tuulada baliga diiriye guuleed sida aynu la wada soconey waxaa go’aan sharci daro ah tuuladaa ku burburiyey wasiirka amniga somaliland maxamed muse diiriye. Isagoo marka ahaa badhasaabka gobolka togdheer, halkaana uu ku burburiyey hanti fara badan, balse golaha guurtida ayaa go,aan ka soo saarey xaq ah xukuumadana dusha u saarey wixii khasaare halkaa ka dhacay, golaha guurtidu waxay go’aankoodii u gudbiyeen wasíska amniga, isaguna wuxu qoray fulintii nasiib daro todobaad gudihiaii ayuu hadana qoray amar uu ku jòojinayo fulintii golaha guurtida anagoo filayna in madaxtøoyadu hor taagan tahay fulinta go’aankaas, wuxu dadku isweydiinayaa sababta wasiir maxamed muuse u hortaagan yahay fulinta go’aankan iyadoo xukuumada uu wasiirka ka yahay ku shaqayso mudo kordhin guurti, waxaana cad im wasiir madaxtooyada iyo wasiiro kale u hortaagan yihiin qaab qabyaaladaysan fulinta go’aankan waxaaney u muuqataa in beelaha somaliland qaarkood sharciga ka sareeyaan, mana aqbali døono cadaalad daradaa lagu kacay dadkayga iyo deegaankayga beesha deegaanka bali diiriye guuleed waxaan ugu baaqaya in la qabto shir degdega oo laga hadlayo dulmiga madaxtooyada somaliland ku hayso deegaanka kuna diidantahay inay fuliso go’aankaa ka soo baxay hay’adii dalka ugu sareyse ee guurtida waxaan ku soo koobaya Rag cadaalad waayey Sidíi cawsha kala yaac
Allaa mahad leh Aqoonyahan Cabdilaahi sheekh aadan aboko