Bahda ugu Badan uguna Boqran Beelaha Somaliland W/Q Sharmake Geelle

0
454

Bahda ugu Badan uguna Boqran Beelaha Somaliland W/Q Sharmake Geelle

Da’yarta dal leeyahay waa halka laga qiyaaso ifafaalaha kasoo iftiimiya mustaqbalka umad meel wada deggan leedahay, sidaas si lamida ayaanay Somaliland kala siman tahay qiyaasaha dunida.

Haddaba, walaw dakhliga iyo fursadaha shaqo dhalinyarada Somaliland ku gabaabsi yahiin isla markaana ay la tacaalayaan shaqo la’aan baahsan oo ay sabab u tahay Ictiraaf la’aanta iyo dhago furaysiga beesha caalamku ku hayaan qarankan nus qarniga jira ee jooga hadana damiikoodu maaha mid bilaa damaqasho ah ee waa halyeeyo diiran oo u darban mar walba dareenada ku xeeran ee falcelinta u baahan.

Awalba iyagoo kala sinnaa da’aha kala duwan ducada iyo diir naxa abaaraha mood iyo nool-ba ka xaalufiyey deegaamada kala duwan ee Somaliland ha ugu sii darnaadaan gobolada galbeedkuye haddana waxaa markii ugu horaysay indho qabad yeelatay in ay dareenkii deeqna ku dareen!

Waxay ahayd uun xalay 25/03/2016 kadib markii hotelka barxada weyn le ee Maansoor lagu agaasimay xaflad loogu magac daray “Dhalinyarada iyo Doorka Abaaraha” halkaas oo ay soo buuxdhaafiyeen boqolaal iyo boqolaal kamida dhalinyarada ku dhaqan caasimada Somaliland ee Hargeysa.

Hadda garoo boqolaalkaas way sii ogaayeen in loogu yeedhayo qaadhaan ururin! Waayo Waxaad ogtihiin in dabciga iinsaanka ay kamid tahay bakhaylnimadu sida Alle-ba qur’aankiisa ku sheegay hadana kamay waaban kamay dhuuman dhabarkana uma jeedin yabooha qaadhaan ururinta oo madashii way soo camireen
FotorCreated
Hadii awal goobaha ciyaaraha iyo damdamtu buuxi jireen xalay waxaa buuxay madal dareen, damaqasho iyo deeq ba lahayd

Waxaa hadalka isaga dabamaray mudanka dhalinyarada Somaliland qaar kamida iyagoo dhamaantood hoosta ka xariiqay in ay maanta oo kale tahay maalintii taariikhdu qormaysay isla markaana gobonimadu ku jirto wax isku-gaygaynta

Bakhayl baa gamiimee waxaa markaliya isla oogsaday boqolaal u kala badinaya ku dhawaaqa boqolka, boqolaalka iyo kumanaanka doolar iyagoo aad moodo in ay wax u bixinayaan sidii dad aan faqriba ka cabsanayn oo maxay uga cabsanayaan sow Nabigeenuba SCW ma sheegin in maalka sadaqadu barakayso

Waxaa ilmo farxadeed kasoo burqatay intii soo agaasintay waxaanay Alle uga mahadceliyeen in uu ku asturay madashan oo kale

Gabagabadii kulanka ayaa cod dhiiran lagu sheegay in saddex saacadood wax ka yar lagu soo xareeyey Siddeed kun oo Doolarka Maraykanka ah!

Waxaan aaminsanahay in caawa wixii ka dambeeya marka ay baaq gurmad doon ah jeedinayaan cidwalba oo cidhiidhi dareenta ay ugu horaysiin doonaan Beesha Dhalinyarada halkii ay awal odhan jireen waxaanu ka codsanaynaa Beesha Caalamka! Waayo waxay xalay muujiyeen in ay yihiin cudud iyo ciidan wada socda oo lagu xisaabtami karo

Hadii umad waliba ku faanto khayraadka dabiiciga ah ee dalkoodu leeyahay Somaliland waxaa faan iyo farxad ugu filan in ay dhalinyaro dhiiran oo dheeman ah leedahay

Hadii nin waliba laabta ku garaacdo beeshiisa waxaan bogga u tumanayaa inaan kasoo jeeda Bahda ugu badan uguna boqran beelaha Somaliland

Sharmaake Axmed Muxumed Geelle
Xoghayaha Guud ee Golaha Wasiirrada JSL ahna Xoghayaha Guddida Gurmadka Abaaraha