SHIRKADA DAHABSHIIL IYO SHAKHSIYAAD LA GUDDOONSIIYAY ABAAL MARINADA SANADKII TAGAY

0
540

SHIRKADA DAHABSHIIL IYO SHAKHSIYAAD LA GUDDOONSIIYAY ABAAL MARINADA SANADKII TAGAY

Magaalada London ee caasimadda wadanka Britain ayaa lagu Guddoonsiiyay Abaal-marinno heer Caalami ah shaqsiyaad Soomaaliyeed oo qayb ka qaatay horumarinta bulshadooda, kuwaasoo isugu jiray ganacsato, cayaartoy & xubno kale.

Tartankan oo ahaa mid ay bulshada Soomaaliyeed codadkooda ka dhiibanayeen ayaa lasoo gaba-gabeeyay toddobaadkan, Waxaana Abaal-marinta ku guuleystay Shan qof oo Somali ah, iyadoo ay xafladda bixinta abaal-marintan ay goob-joog ka ahaayeen wasiirada Difaaca iyo Arrimaha Qaaradda Afrika ee dalka Britain, xubno ka tirsan baarlamaanka dalkaas iyo mas’uuliyiin kale.

“Ujeedka barnaamijkaan aan u sameynnay – waa sidii loo Dhiirri-gelin lahaa Shaqsiyaadka Soomaaliyeed ee u taagan mar kasta sidii ay bulshada wax ugu qaban lahaayeen,” ayuu yiri C/risaaq Ciise oo ka tirsan ururka ATM, isagoo xusay in Sannad walba ay Qaban doonaan barnaamijyo noocan oo kale ah, kana ballaaran middan.

Sidoo kale, C/risaaq Ciise ayaa sheegay in shaqsiyaadka Abaal-marinta Nasiibka u yeeshay ay yihiin shan qof, kuwaasoo ay bulshada Soomaaliyeed u codeeyeen, isla markaana kartidooda iyo dadaalkooda ay kasoo dhex-saartay bulshadooda.

Haddaba, Abaal-marinnadaan oo ahaa kuwo loogu tartamayay dhanka Horumarka oo ay ka mid yihiin; Wax-barashada, Ganacsiga, Cayaaraha, Wax-qabadka iyo Madadaalada. Ayaa waxaa xubnihii ku kala guuleystay ay kala ahaayeen;

Waxbarashada: Xaawo Jaamac Cabdi oo ah gabar Soomaaliyeed oo araga naafo ka ah, waxna ka barata dugsiga Indhoolayaasha ee Hargeysa, inkastoo aysan ku sugnayn goobta ay xafladdu ka dhacaysay.

Ganacsiga: Shirkadda Dahab-shiil oo uu abaal-marinta u Guddoomay Mas’uulka ugu sarreeya maamulka shirkaddaas C/rashiid Ducaale, waxaana shirkadda lagu sheegay inay tahay mid kaalin weyn kaga jirtay horumarinta Somalia oo dhan.

Isboortiga: Cayaaraha ayaa waxaa isagana abaal-marinteeda ku guuleystay Mo Farah oo ah orod-yahan Soomaaliyeed oo ka mid ah kuwa u orda dalka Britain, iyadoo dadkii codka siiyay ay sheegeen inuu yahay shaqsi ay Soomaalinimadu ku weyn tahay.

Wax-qabadka: Waxaa iyadana dhanka waxqabadka ku guuleysatay hay’adda ADESO oo ka hawl-gasha Bariga Afrika, iyadoo hay’addan lagu sheegay inay qayb weyn ka qaadatay caawinta bulshada Soomaaliyeed.

Madadaalada: Waxaa iyadana dhanka Madadaallada ku Guuleystay Maxamed Cali oo ah Wiil Soomaaliyeed oo jila Filimmada, kaasoo la sheegay inuu kaalin weyn kaga jiro filimo sameynta dalka Britain.