Ciidanka Puntland Iyo Daacish oo ku dagaalamay duleedka Qandala

0
508

BOOSAASO WAR SUGN }– Ciidamada Puntland ayaa saaka dagaal ku qaaday maleeshiyaadka Daacish ee bilooyinka haysta degmada Qandala ee gobolka Bari.

Ciidamada ayaa muddooyinkaan waday hawlgal milateri oo ka dhan ah maleeshiyaadka taabacsan ururka Daacish oo 37-maalood ay gacanta ugu jirto degmada Qandala ee gobolka Bari.

Guddoomiyaha gobolka Bari Yuusuf Maxamed Wacays(Dhado) ayaa hoggaaminaya weerarka ayaa sheegay in saaka uu dagaal dhexmaray ciidamada Puntland iyo Daacish.
Yuusuf Maxamed Wacays(Dhado)
Waxa uu sheegay in 7-kamid ah maleeshiyaadka Daacish ay dagaalku ku dileen kaddib weerar ay soo qaadeen halka dhanka Puntland ay ka dhaawacmeen saddex askari oo ka tirsan ciidanka.

Waxaan joognaa meel Qandala u jirta 53 Km oo la yiraahdo Afbashaashin,,waxaa naga qabsaday dagaal anaga iyo qoladii Daacish ,waxay noo dhigeen miino dabadeedna markii aan miinada fureynay ayey rasaas nagu soo bilaabeen ,waanu iska caabinay ,7-nin meydkoodii waanu haynaa oo khasaarahaasa iyaga gaaray anaga saddex dhaawaca fudud ah saasu ku bilowday”ayuu yiri

Guddoomiyaha gobolka Bari Yuusuf Maxamed Wacays(Dhado) ayaa sheegay iney ka tir-tirayaan maleeshiyaadka Daacish degmada Qandala iyo dhulka ku hareeraysan,hawlgalkana wadayaan ilaa lasoo afjaro.