Dalalka Ugu Dhaqaalaha Badan Caalamka Ee G-7 Oo Ciidamada Eretria Ugu Baaqay In Ay Ka Baxaan Gobolka Tigray

0
508

 

Wasiirrada dalalka ugu dhaqaalaha badan caalamka oo Jimcihii kulan sanadeedkoodu uu ka dhacay magaalada Berlin ayaa soo saaray bayaanka ku soo beegmay ka dib markii dhawaan uu Ra’iisul wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed shaaciyay in uu la hadlay madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki oo ka oggolaaday in uu ciidamada Eritrea kala baxo gobolka Tigray.

“Wadahadalladeenii aan 26-kii March 2021 yeelannay madaxweyne Isaias Afwerki intii aan booqashada ku joogay Asmara, dowladda Eretria waxa ay oggolaatay in ay ciidamadeeda kala baxdo xadka Ethiopia,” ayuu Abiy ku yidhi qoraal lagu daabacay boggiisa Twitter-ka.

Wasiirrada G-7 ayaa ku boorriyay dhammaan dhinacyada in ay muujiyaan “xakameyn buuxda, hubiyaan ilaalinta dadka rayidka ah ayna ixtiraamaan xuquuqda aadanaha iyo sharciga caalamiga ah.”

Wasiirrada dalalka Britain, Canada, France, Germany, Italy, Japan, iyo Mareykanka, iyo wakiilka sare ee Midowga Yurub ayaa ku baaqay “in la joojiyo rabshadaha iyo in la sameeyo hannaan siyaasadeed cad oo loo dhan yahay kaasi oo ay aqbalsan yihiin dhammaan Itoobiyaanka oo ay ku jiraan kuwa Gobolka Tigray.”

Hannaanku waa in uu horseedaa “doorasho lagu kalsoonaan karo iyo dib-u-heshiisiin qaran oo ballaaran,” ayaa lagu yiri qoraalka wasiirada dalalka G-7.

Wasiiradu waxa kaloo ay walaac qotodheer ka muujiyeen warbixinnadii dhowaan soo baxay ee sheegayay “xadgudubyada iyo tacaddiyada xuquuqda aadanaha, iyo ku tumashada sharciga caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha ee gudaha Tigray.”

Abiy ayaa bishii November guluf dagaal ku qaaday gobolka Tigray ka dib markii uu sheegay in ciidamada jabhadda TPLF ee maamuleysay gobolka Tigray ay weerareen fadhiisimada ciidammada dowladda federaalka.

Labada dal ee Ethiopia iyo Eritrea ayaa muddo bilo ah beeninayay in ay ciidamo Eritrean ah galeen gobolka Tigray, taasi oo ay xaqiijiyeen dublumaasiyiin, shaqaalaha gargaarka, dadka deegaanka iyo qaar ka mid saraakiisha militariga Ethiopia.

Dagaalka gobolka Tigray ayaa waxaa ku geeriyoodeen kumanaan qof, iyadoo kumanaan kale ay ku barakeceen. Boqolaal kun oo kale ayaa lagu qasbay in ay u qaxaan dalka deriska ah ee Sudan.

Gobolkan oo ay ku nool yihiin dad ka badan 5 milyan oo qof ayaa waxaa uu wajahayaa gabaabsi dhanka cunnada, biyaha iyo daawada, sida ay sheegtay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here