DEG DEG:Xiliga aay Dhaceyso Doorashada Soomaaliya oo La Shaaciyay & Musharaxiinta oo….

0
369

Iyadoo dib u dhacyo badan ku yimaadeen doorashada madaxweynaha Soomaaliya iyo gudoonka baarlamaanka, ayaa haddana waxaa gudiga doorashada ka hadleen waqtiga doorashada dhaceyso
Gudoomiyaha gudiga doorashoyinka Cumar Dhageey, ayaa sheegay in doorashada aysan dhaafi doonin bisha December ee sanadkaan 2016.
Gudoomiyaha wuxuu sheegay in marnaba qorshaha uusan ku jirin in doorashada ay dhaafto sanadkaan 2016, lana doonayo in maalmaha ka dhiman sanadka cusub lagu qabtaa doorashada.
Abuukaate Cumar Dhageey, ayaa sheegay in la diyaariyay inta badan xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya iyo qorshihii doorashada madaxweynaha ku dhici leheyd.
Gudoomiyaha doorashooyinka ayaa sheegay iney ku dadaalayaan sidii loo dhameyn lahaa, dhamaan howlaha ka harsan doorashooyinka sanadkaan loo xil saaray.
Ugu dambeyn Abuukaate Cumar Dhageey, ayaa sheegay in marnaba aysan suuro gal aheyn in doorashada sanadkaan ay gaartaa sanadka cusub ee 2017, sida qorshaha uu yahayna bishan December ay dhici doonto doorashada.
Siyaasiyiinta xil doonka ah ayaa walaac ka muujinaya in mar kale ay dib u dhici karto doorashada Madaxweynaha maadaama sida ay sheegeen aysan muuqan qorshe cad oo ay ku dhaceyso doorashada Madaxweynaha.