Faah-faahin: Mas’uul Reer Ah Somaliland Oo Lagu Dilay Laascaanood

0
300

Faah faahin dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dil qorsheysan oo xalay mas’uul reer Somaliland ahaa loogu geystay gudaha magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Wararka ayaa sheegaya in dilka loo geystay guddoomiyihii doorashooyinka Somaliland ee gobolka Sool, Cabdullaahi Laba-Go’le, kaas oo ay toogasho ku dileen kooxo hubeysan.

Ilo wareedyo ayaa sheegtaya in ragga toogashada fuliyey ay goobta iskaga baxsadeen, kadib dilka marxuumka.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Somaliland ayaa lagu soo warramayaa inay goobta gaadheen, kadibna ay howl-gallo ka sameeyeen aagga uu dilku ka dhacay.

Sidoo kale illaa iyo hadda ma cadda sababta rasmiga ah ee loo beegsaday mas’uulkaasi iyo sidoo kale cidda ka dambeysa dilkiisa.

Saraakiisha ammaanka Somaliland oo ka hadlay dilka marxuum Cabdullaahi Laba-Go’le oo ahaa guddoomiyihii guddiga doorashooyinka ee gobolka Sool ayaa shaaca ka qaaday inay ku raad-joogaan kooxihii ka dambeeyey dilka mas’uulkaasi, ayna cadaaladda horkeeni doonaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here