Falanqeynta Khudbad-Sannadeedka Dastuuriga ah Ee Madaxwaynaha

0
312

Falanqeynta Khudbad-Sannadeedka Dastuuriga ah Ee Madaxwaynaha:

Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa Maanta Labada Aqal ee Baarlamaanka Somaliland u jeediyay khudbad-sannadeedkii Dastuuriga ahayd ee 2016-ka.

Madaxwaynaha Somaliland, ayaa Shantii Khudbad-sannadeed ee hore ku soo qaaday Waxqabadka gaarka ah ee Xukuumaddiisu Dalka ka fulisay, laakiin, Madaxweynuhu wuxuu Khudbad-sannadeedkan uu Shacabka ugu jiheeyay oo uu si faahfaahsan uga hadlay Isla-markaana uu Shiishka u saaray qodobbada kala ah, Siyaasadda Arrimaha Dibedda, Wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya, Diiwaangelinta iyo Doorashooyinka, Qiima-dhaca Shillinka Somaliland, Adkaynta Nabadgelyada, Maamul Wanaagga, Garsoorka iyo Cadaaladda. Kuwaas oo uu mid mid u naaqishay isla-markaana Bulshada ugu jiheeyay inay si guud Horumarka uga shaqeeyaan.

1.Siyaasadda Arrimaha Dibedda.

Madaxwaynuhu waxa uu khudbaddan 2016-ka ee uu u jeediyay Baarlamaanka uu ku muujiyey sida Dawladdiisu culayska u saareyso Ictiraaf raadinta, Maaddaama oo ay muddo 24 sanadood ah gooni u taagnayd, “Sannadkan cusub ee bilowga ah waxaa noo qorshaysan idam Eebe in aanu laban laabno dedaalka, isla-markaana aanu xaqiijinno talaabooyinka hoos ku xusan:-1) Waxaannu dardar gelinaynaa dedaalka ictiraaf raadinta loogu jiro, si looga midho dhaliyo guul wax ku ool ahna dhakhso looga gaadho, waxaan magacaabayaa guddi ka shaqaysa arrimaha ictiraaf raadinta.

2) Waxaannu abaabulaynaa qurbo-jooga Somaliland ee ku firidhsan dunida dacalladeeda, kuwaas oo ah xoog dihin oo dalkan u maqan.

3) Waxaannu Qadiyadda Somaliland gaadhsiin doonaa Maxkamadaha iyo Hay’adaha Gorsoorka Caalamiga ah.

4) Waxaannu tayeynaynaa isla-markaana dib u qiimayn joogto ah ku samayn doonnaa xafiisyada iyo wakiillada Somaliland u fadhiya Dalalka dibadda, si ay door weyn uga qaataan hawlaha ictiraaf raadinta.

5) Waxaanu ku dhiiri-gelinaynaa Bulshada Somaliland gudo iyo dibad, in ay si weyn u muujiyaan dareenkooda ku aadan Xuska Sannad Guurada 25aad 18-ka May 2016-ka ee Madaxbanaanida Somaliland.”

Qodobbadan, ayaa haddii Xukuumaddu fuliso waxa Qaranka Somaliland uga soo bixi kara Midho la Mahadiyo, maaddaama oo hore Shacabka Somaliland qaarkood u aaminsanaayeen in Xukuumaddu aanay Daacad ka ahayn in Dalku Ictiraaf helo.

Hasa-yeeshee, arrinta Dadweynaha Somaliland u dhag-taagayaan ee Khudbad-sannadeedka 2016-ka uu Madaxwaynuhu ku soo hadal qaaday, ayaa ah in wax laga beddelayo Hannaanka Garsoorka Qaranku u shaqeeyo.

Madaxwaynaha oo ka war-qaba baahida Shacabku u qabo Caddaalad, ayaa khudbaddiisa ku yidhi, “Cadaaladdu waa tiirarka udub dhexaadka u ah jiritaanka ummad kasta. Nidaamka Garsoorka Dalka waxa muddo dheer ka jiray cabatinno iyo cadaalad darro aan yarayn, kuwaas oo guud ahaan wiiqay sumcaddii Maxkamadaha. Nasiib wanaag, tan iyo intii aan u magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Mudane, Aadan Xaaji Cali oo ah aqoon-yahan dhallinyaro ah, waxa abuurantay yuhuun iyo yididiilo hor leh. Haddaba, si loo taabo geliyo cadaalad tisqaada iyo isbeddel wayn oo ay ummaddu mahadiso, waxa qorshaysan in aynu sanadkan fulino arrimahan:”

Balse, qodobka qallinku soo dhaweeyay ee Madaxwaynuhu ku xusay Hagaajinta Caddaalada, ayaa ah:-

1. Aasaasidda Mac’hadka Tababarka Garsoorayaasha, Ku-xigeenada Xeer-ilaaliyaha Guud iyo Hawl-wadeenada kale, si kor loogu qaado aqoontooda.

2. Alifaada Xeerka Xuquuqda Bahda Garsoorka.

3. Aasaasidda Library iyo Xarun Cilmi Baadhiseed oo u gaar ah Bahda Garsoorka iyo Qareennada Kaalmaynta Sharciga.

4. Aasaasidda Guddida Dib-u-eegista xukunada ay soo saaraan Garsoorayaashu.

5. Duubista dhagaysiga dacwadaha ka socda Maxkamadaha Gobollada, gaar ahaan Gobolka Maroodi-jeex.”

Arrimahan uu Madaxweynuhu ku soo daray Khudbaddiisa ee la xidhiidha Hagaajinta Caddaaladda, ayaa fulintooda muhiim u ah guud ahaan Shacabka Somaliland, iyadoo la xasuusan yahay horumarka Caddaalad laga sameeyay intii uu Madaxwaynuhu Guddoomiyaha cusub u Magacaabay Maxkamadda sare ee Qaranka.

Khudbad-sannadeedkan oo sidoo kale Madaxwaynuhu ku soo qaaday Diwaangelinta Cod-bixiyayaasha, doorashooyinka, Qiim-dhaca Shilinka Somaliland iyo Nabadgalyada, oo dhammaantood la jaan-qaadaya Isbeddel Wasiirka Cusub ee Madaxtooyada iyo Maamulkiisu la yimaaddeen, ayaa waxa kale oo ku lamaanaa oo uu Madaxweynuhu ka hadlay Maamul-wanaagga iyo Musuqmaasuqa Xukuumaddiisa lagu eedeeyo, waxaanu yidhi isagoo ka hadlaya, “Musuq-maasuqa iyo Maamul Xumidu waa musiibooyinka ugu waaweyn ee ragaadiya Horumarka, Himilooyinka, Hannaanka Dawladnimo ee qaran higsanayo. Sidaa darteed, xukuumadaydu waxay dagaal adag oo joogto ah kula jirtaa sidii dalka looga dabargoyn lahaa musaqa iyo maamul-xumida. Qaar ka mid ah Siyaasiyiinta mucaaridka, waxaan ka maqlaa, iyagoo maamulkayga ku eedaynaya arrimahaas. Waxaan aaminsanahay in hadaladaasi yihiin dacaayado iyo deelqaaf cadaaladda ka durugsan, isla markaana aan xaqiiqo ku dhisnayn.

Hanti la dhaco, iyo ummad la kala hayb sooco waa calaamadaha ay caanka ku yihiin hogaamiyayaasha aan hamiga fog lahayni. Tan iyo intii aan hanaqaaday waxaan haaneedka iyo hareerta hayey hawl Qaran. Cimrigay habeen calooshayda ma gelin, in aan ku danaysto xilka aan ummadda u hayo, ama danta guud ka horumariyo mid ii gaar ah. Anigu tuug ma ihi oo waad i taqaanaan. Haddaba, waxaan leeyahay nimaan tuug ahayni, tuug ma kaashado.

Waxaan soo dhaweynayaa dhaliilaha runta ah ee maamulkayga ka dhanka ah. Waxaan soo dhaweynayaa talooyinka iyo tilmaamaha togan ee wax lagu toosinayo.”

Khudbadda Madaxwaynaha Somaliland ee Sannadkan cusub ee 2016-ka, oo qodobbada ay taabatay aynu kor ku soo xusnay, waxay hoosta ka xariiqday hadafka guud ee Xukuumadda Somaliland ku shaqeynayso Sannadkan cusub, waxayna Shacabka u tilmaamaysaa in Xukuumaddu Shantii Sannadood ee hore ku foogneyn wax u qabadka Dadka iyo Dalka, sidaas-daraadeedna, hadda la gaadhay xilligii Dawlad iyo Shacabba guntiga dhiisha la iskaga dhigi lahaa.

Ugu dambeyn, Khudbad-sannadeedka 2016-ka oo sida la wada dareemay gabi ahaanba ka duwanayd Shantii Khudbad-sannadeed ee ka horeeyay, ayaa ka markhaati kaceysa Hammiga iyo Rabitaanka dhabta ah ee ka quuxaya Maanka Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ee ah in la gurto Midhihii la beeray Shantii Sannadood ee Xukuumaddiisu Qaranka haaneedaysay.

La soco Qayb kale oo falanqeyntan la xidhiidha

W/Q AxmedWali Faarax Cabdi.