Gabaygii Dalsankii Nugaal 18/12/15

0
733

Gabaygii Dalsankii Nugaal 18/12/15
———————————————–
White right pointing backhand indexintaan ciid u dalandooli laa didibka maan joogo
White right pointing backhand indexintii aan daluun dhooqaliyo daasad qalaw laysa
White right pointing backhand indexAan dare ku kala miisilaa maan dixaha joogo
White right pointing backhand indexHalo duud guduudani intay degelka ii joogi
White right pointing backhand indexOo dulinku iga layn lahaa daawad dhaxalkeeda
White right pointing backhand indexAmaan xayn riyo ah didinlahaa xoolo dumar maalo
Victory handMaan bananka dhoodi iyo tago buurta dacalkeeda

White right pointing backhand indexintuu milix kusoo didi lahaa daasad lagu keenay
White right pointing backhand indexMaan daranta geeyiyo kurtimo haynka wada doogtay
White right pointing backhand indexintuu awrku sibirdiirmi laa dhagaxa duudkiisa
White right pointing backhand indexMaan kubo u sii daayo iyo qarashla daanteeda

White right pointing backhand indexintuu kaymo duur xuli lahaa bahalku deexjoogo
White right pointing backhand indexMaalin waynna uu didinlahaa aarka dolos layni
White right pointing backhand indexMaan dhidin cajelo iyo huftiro degelki maan geeyo

White right pointing backhand indexinta geedka duugiyo maraa dili lahaa soohan
White right pointing backhand indexama uu ragaad daaliyaa daawad uu mudiba
White right pointing backhand indexooy xerada dacalkeeda iyo heetin digo reero
White right pointing backhand indexMaan daacadii kalax u dhigo degel san weeyaane

White right pointing backhand indexawrkoo da’furay oo jadeer diirayaa dhimaye
White right pointing backhand indexMaan dawda saarkiyo dhirta leh daaqa sare geeyo

White right pointing backhand indexYaaheel dushiisiyo halkii docoshi maan geeyo

White right pointing backhand indexintii uu baraag ood dudaleh daafta hore meeri
White right pointing backhand indexDarka adhigu uu galo intay dani kusoo qaadi
White right pointing backhand indexMaan gubadle dawdii u dhigo wuu durdurayaaye

White right pointing backhand indexintii uu tayuub dugul ahoo daamur lagu dhoobay
White right pointing backhand indexoo saacad aan dagiba’hayn diifta igu meeri
White right pointing backhand indexMaan dhabasta diirdiiran iyo doojin ugu saydho

White right pointing backhand indexinta qarash la iisoo dalici dibin wuxuu saaray
White right pointing backhand indexOon Teneg dib ugu miisi laa wuu ka didayaaye
White right pointing backhand indexDurdurkii xargaga maan u dhigo haw durduur tago’e

White right pointing backhand indexJilab iyo intuu daaqi laa duurka qodoxoobay
White right pointing backhand indexAma xagar dushii feenan laa uu ku dacayoobi
White right pointing backhand indexAma libawgu daankiyo indhaha diilin kagayeeli
White right pointing backhand indexDalsankii Nugaal maan u raro dhoodi dacalkeeda

White right pointing backhand indexDiraacaha waxaa loo dhurtaa waa halkii dihine
White right pointing backhand indexCawskiyo dureemaan la hurin doogi soo baxaye
White right pointing backhand indexDarka adhcadeeyiyo wiyeer waan la daynkarine
White right pointing backhand indexCadaygiyo higlada dib u fufaan daaqu ka idlaane
White right pointing backhand indexWadaamaha darkii ceelka kalax maan u dawdabo

White right pointing backhand indexHuftiriyo daluuntii mar kale maan u daadago
White right pointing backhand indexMaan dawliskii jabiyo iyo xadhigi loo daayay
White right pointing backhand indexHaku doobyo awrkii mar kale dagada jiilaale

WT Abdijibaar Aadan Gaas