Guddoomiyaha WADDANI Ee UK Oo Shacabka Somaliland Ka Tacsiyaddeeyay Geerida Jilaagii Caanka Ahaa Ee Boon Xirsi

0
529

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI ee dalka UK Xuseen Aadan Cadde, waxa uu dhambaal Tacsiya u dirayaa ehelkii, qaraabaddii, Asxaabtii,
bahdii Fanka iyo Suugaanta iyo guud ahaan Ummada soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuun Abwaan Boon Xirsi oo caawa ku geeriyoodday Caasimadda Hargaysa ee xarunta Somaliland.

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI ee dalka UK Xuseen Aadan Cadde waxa uu sheegay rabbi ha u naxariistee in Marxuum Abwaan Boon Xirsi uu taariikh dheer ku lahaa hannaqaadkii Fanka iyo Suugaanta Soomaalida, gaar ahaanna waxa uu Marxuumka ku tilmaamay iftiinkii sirraadi jirey Masrixiyadda riwaayaddihii uu caanka ku ahaa, isla markaanna Majaajiladdiisa aadka looga daba-dhacay.
IIIaahay naxariistii janno haka waraabiyee Majaajileyste Boon Xirsi, waxa uu ka mid ahaa Majaajileytayaashii Caanka ka ahaa Dhulka Soomaalida, waxaanay Marxuumka iyo Qoyskiisuba ku noolaayeen magaalada Hargeysa.

Ugu danbayntii waxa uu Md. Xuseen Aadan Cadde uu Marxuumka Illaahay uga baryay innuu Naxariistiisa janno ka waraabiyo, qoyskii, qaraabaddii, ehelkii iyo bahdii suugaanta ee uu ka baxay-na samir iyo iimaan ka siiyo.