Gudoomiye Cirro & Maxamed Biixi: BEENTU Waa Calaamad MUNAAFAQ oo NAARTA lagu Kasbado.

0
500

Gudoomiye Cirro & Maxamed Biixi: BEENTU Waa Calaamad MUNAAFAQ oo NAARTA lagu Kasbado.

Guud ahaan waan salaamayaa ummada islaamka, gaar ahaana bulshada Somaliland guddo iyo dibedd, Ilaahayna uga baryayaa inuu kheyrka waafajiyo aduunka iyo aakhiraba.

Intaa ka dib, waxaan jeclahay inaan kelmado nasteex iyo waano u jeediyo Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda, ahna Gudoomiyaha Xisbiga Waddani, Ahna Musharaxa Xisbiga Waddani ee Doorashada Madaxtinimada soo socota Mr. Cabdiraxmaan Cabdillahi Maxamed (Cirro) iyo Siyaasi Maxamed Biixi Yoonis, iiga muuqatay hadallo kala duwan, ummadu xaqiiqadeeda hayso oo dhacdooyin inna soo maray kaga hadleen.

Xadiis Nebigeenii Maxamed CSW ayaa macnahiisu ahaa “Diintu waa nasteexo… u tahay Ilaahay, Rasuulkiisa, hogaamiyeyaasha Muslimiinta iyo dhamaan ummada” taasoo macnayaasha lagala dhexbaxayo ka mid tahay in qofkii waddo khaldan mara looga nasteexeeyo, inuu ka toobad keeno, taasoo waajib ku ah qof kastoo islaam ah inuu u gudbiyo qofkii gefka galay.

Haddaan u soo laabto dulucda maqaalkaygan maanta, waxaa LA-YAAB iyo U-QAADAN-WAA igu noqday hadallo kala fog ama is-beeninaya oo laba maalmood gudahood Gud Craxmaan Cirro kaga jawaabay cadaalad-daro sida inta badan ee ummadu iyo anniguba u aragno in lagu sameeyey Gudoomiye-xigeenkii xisbiga Waddani, ahaana musharax u tartamayey jagada madaxweyne-xigeenka doorashada Madaxtinimada soo socota Mr. Axmed Muunin Seed, taasoo muujinaysa sifooyin lagu garto dad Ilaahay inooga digay inaan lahaano sifooyinkooda looguna yaboohay in masiirkoodu ahaan doono naarta Jahanama gunteeda, ilaahay ha innaga ilaaliyo dhamaanteena. Aamiin.

Intii degelada kala duwan ee warbaahinta kala socotay markii Musharax Axmed Muumin ka soo baxay shirkii lagu khiyaameeyey, waxa Gudoomiye Craxmaan Cirro oo wax laga weydiiyey 22 bishan sifahii loola dhaqmay Gud-xigeenkiisii Waddani ayey jawaabtiisa ka mid ahayd “Axmed xukuumada iyo xisbiga KULMIYE dantiisa ummay waddine, burburinta xisbiga Waddani ayey u wadeen…sababtuu uga baxay shirka isagaa garanaya, wax codeyn dhacday ma jirin markuu baxay..” bal akhristow ogow ninkuu hadalo weedhani ku jireen hawada u mariyey waa ninkii la soo aasaasay xisbiga Waddani, nasiib-daro wax garowshiiyo ah kamuu bixin, tolow ma fasirayaan ereyadan tuduc hore ku jiray iyo dhacdada Axmed Muumin (Nin ku yidhi sinaan mayno-adna DIID sareyntiisa) bal mar kalena ila eega jawaab kaloo u bixiyey.

Guddoomiye cabdiraxmaan Cirro oo 24 bishan, mar labaad wax laga weydiiyey khilaafka soo kala dhex-galay,isaga iyo guddoomiye ku-xigeenkii koowaad ee Axmed Muumin Seed, ayaa sheegay in uu kullan la yeeshay,isla markaana dhawaan la soo afmeeri-doono khilaaf-kaasi

“Axmed waa nin igu qaali ah waa guddoomiye ku-xigeenkii koowaaad ee Xisbiga ,ragii Xisbiga aasaay ayuu kamid yahay, khilaaf-na dhex maray-na ma jirin, lakiin tartan ayey ahayd, tartankiina dee sidii saxaafadu joogtay ee la wada joogay ayuu u dhacay, (hadda akhristow ogow saxaafada uu Gud Cirro leeyahay way joogtay, xaqiiqadu sidaa uu u dhigay way ka duwanayd, laakiin si faahfaahsan ayaan mowduuc gaar ah ugaga hadli doonaa insha alaah) markaa Axmed isha allaahu waxaan rajaynay-naa in uu Xisbigiina uu ku nageedo,axmed-na waan ka dab tagnay waanu wadda haddal-nay,markaa waxaan rajaynaynaa in arintaasi soo af-jaranto oo uu Axmed-na kaalintii weynayd ee uu kaga jiray Xisbiga uu kaga jiro.”Ayuu yidhi musharax Cirro.

Dhinaca kale, Siyaasi Maxamed Biixi Yoonis, oo ka mid ahaa koox siyaasiyiin ahayd oo dhowaan kula midowday xisbiga Waddani qodobo qaarkood shaki badan leeyahiin ulajeedadooda dhabta ah, sida (wax-ka-bedelka DASTUURKA) oon si sahal ah cid gaari u fushan Karin, koox ama xisbi, iska daa inay heshiis ku wada galaane, isla markaana bulshadu indhaha ku hayaan ka feejignaantooda, ayaa calaamad su’aal inta badan bulshadu u aragtaa kalsoonida lagu qabi doono aqbalaada hadaladiisa, haduu maanta-ba ka RUN-SHEEGI waayey foolxumadii iyo cadaalad-daradii lagula dhaqmay Gud-xigeenkii Waddani Mr. Axmed muumin Seed.

Mr. Maxamed Biixi Yoonis ayaa ku dhiiran kari waayey inuu MARKHAATI cad ka bixiyo cadaalad-daradii Mr. Seed ka qabsatay goob uu joogay, halka uu weedho malo-awaal iyo BEEN ah ka sheegay goob aanu JOOGIN oo ahayd shirweynahii xisbiga KULMIYE ku dooranayey musharaxiinta jagada Madaxweyne iyo ku-xigeen uga qeybgeli doona doorashada madaxtinimada Somaliland sannadka dambe.

Mar la weydiiyey inay jirto cadaalad-daro lagula kacay Gud-xigeenkii Waddani Axmed Muumin shirkii golaha dhexe ee Hargeysa ku qabsoomay 22 bishan, ayaa ku jawaabay, “Ma filayo inay jirtay cadaalad-daro lagu sameeyey, ama ka dhacday goobtii doorashada. Halka muddo hore Maxamed Biixi oo la weydiiyey sababta uu uga qeybgeli waayey isaga iyo koox la socotay shirweynahii KULMIYE ugu jawaabay, “Kama qeybgelayno, maadama uu yahay shirweyne la afduubay.” Hadda akhristow ogow waxuu jawaab malo-awaal ah ka bixinayaa shir aanu goob-joog u ahayn, halka uu ka gaabsaday ama la odhan karo wuu ka beensheegay inuu markhaatigeeda furo, ilayn berri ama maalinta xisaabta way sugaysa weydiinteedu.

Gud Cirro iyo Maxamed Biixow, soomaali waxay tidhaahdaa hadaanay xeeladi ku jirin maxaa durbaanka habeenkii loo tumaa, haatan haddaanu jirin shirqool aad la socoteen oo ka dhan ahaa Gud-xigeenkii Waddani Mr. Seed, maxaad uga hadli weydeen markuu dalbaday in u codeynta musharaxa-madaxweyne-xigeenka la hormariyo magaca Gud-xigeenka Waddani Mr. Axmed M Seed, ilayn sidaa ayuu xil ahaan iyo xaraf ahaanba sharciga iyo caqligu dhigayaane, ama uu xildhibaan Buubaa iyo shirgudoonku ugu dhawaaqyeen CODADKA tiriya, markii Mr. Seed ka dhiidhiyey cadaalad-darii loola badheedhay, kana baxayey shirka, ilayn weedhaha doodiisa waatuu daqiiqado hortood ka markhaati kacay Gudoomiyaha-ku-meel-gaadhka Cabdiqaadir Jirde, markuu tilmaamayey in jagada musharaxiinta Madaxweyne-xigeen shuruudahiisa buuxiyeen Axmed Muumin Seed iyo Maxamed Cali.

Dhaliilo xad-dhaafay oo dul-hoganaya xubnaha xisbiga Waddani, xeerarkiisa iyo barnaamijkiisa Ololaha Doorashada oo kolay dhinacayga intaan ka gaadho u soo bandhigi doono bulshada, waxaan ka codsanayaa inta ila garaadka ah ee ka dhiidhinaya xumaantu ku dhiiradaan ka hadalkooda si bulshada Somaliland ugula xisaabtamaan, balse waxaan kaga baxayaa Gud Cirro iyo Maxamed Biixi ogaada calaamadaha MUNAAFIQIINTA oo hoygoodu yahay naarta JAHANAMA waxa ka mid ah BEENTA, Ilaahay dhamaanteen ha innaga badbaadiyee..Aamiin.