Xisbiga WADDANI Oo Afka Saaray Jaah Wareer Siyaasadeed iyo Axmed Muumin Seed Oo Guddoomiye U Noqday Garabka Toosinta iyo Caddaaladda Waddani

0
397

Xisbiga WADDANI Oo Afka Saaray Jaah Wareer Siyaasadeed iyo Axmed Muumin Seed Oo Guddoomiye
U Noqday Garabka Toosinta iyo Caddaaladda Waddani

“Dhinaca aan guddoomiyaha ka fadhiyay waxay ahayd dhinac khaldan, waxaana kursigaygii saxda ahaa fadhiyay Maxamed Cali, waxaana halkaas iga galay dareen laakiin…” Gud. Axmed Muusin Seed

Hargeysa(Warsugan) Guddoomiye xigeenka koobaad ee xisbiga mucaaradka ah ee Waddani, mudane Axmed Muumin Seed, ayaa la midoobay siyaasiyiinta hore xisbigaasi uga falliidhmay ee la baxay garabka toosinta iyo caddaaladda xisbiga. Sidoo kalena guddoomiye xigeenka labaad Xildhibaan Faarax Dheere oo isna ka cadhooday shirka golaha dhexe ee Waddani ayaa kooxdaasi ku biiray. Munaasibad garabkani shalay qabsaday ayay guddoomiye ugu doorteen Axmed Muumin Seed.

Siyaasiyiintan ayaa sheegay inaanay aqbali doonin natiijada ka dhalatay shirkii golaha dhexe ee Waddani, kaas oo lagu doortay Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro iyo Dr Maxamed Cali Cabdi oo tartanka madaxtinimo xisbiga uga qayb galaya doorashada qorshaysan horraanta 2017. Waxay sheegeen inay maxkamadda u gudbinayaan dacwad ka dhan ah natiijada shirkaasi.
Axmed Muumin Seed, ayaa sheegay in shirkii golaha dhexe lagu inqilaabay kursigiisa. Waxa uu sheegay in xubnaha golaha dhexe ee Waddani oo afar boqol iyo xogaa ahaa laga dhigay inku dhaw todoba boqol. Waxa uu sheegay in dhawrka boqol ee lagu kordhiyay loogu talo galay inay codka siiyaan Dr Maxamed Cali. Sidaasi awgeedna ay maxkamadda dacwad u gudbinayaan si sharciga loo waafajiyo, loona soo saaro tirada rasmiga ah ee golaha dhexe. Waxa uu sheegay inuu saxeexay lacag dhan konton kun oo doolar oo musharraxiinta laga shubayay, taas oo aan celis lahayn, balse caddaalad darradu keenayso in lagu dacweeyo.
Axmed Muumin Seed wuxuu sheegay in guddoomiye Cirro telefoonka ka qaban waayay, sidoo kalena ka jawaabi waayay farriimo uu u dirayay habeennimadii shirku qabsoomayay subaxa, sidoo kalena subaxnimaddii uu fahmi waayay sida hawluhu u socdaan, walibana kursigiisa la sii fadhiisiyay Dr Maxamed Cali“Dhinaca aan guddoomiyaha ka fadhiyay waxay ahayd dhinac khaldan, waxaana kursigaygii saxda ahaa fadhiyay Maxamed Cali, waxaana halkaas iga galay dareen laakiin, waxaan go’aansaday inaan kursiga fadhiisto si umadda Somaliland u aragto cidda caddaalad darrada wadda,” ayuu yidhi mudane Seed.

Waxa uu sheegay inaanu aqbali doonin go’aankii halkaasi ka soo baxay“Caddaalad darro tii ugu weynayd ayaa dhacday. Waxaan aad iyo aad ugu dadaali doonnaa, anagoo ah garabkii caddaaladda iyo toosinta xisbiga Waddani, inaanan marnaba aqbali doonin shirkaa golaha dhexe ee Ambasador lagu qabtay oo ahaa mid kursigayga lagu inqilaabay, caddaalad darrana u dhacday,” ayuu yidhi Axmed Muumin Seed.

Go’aanka Axmed Muumin Seed ayaa imanaya iyadoo guddoomiye Cirro shalay sheegay inay wada hadal la fureen, islamarkaana rajaynayaan in wada hadal lagu afjaro khilaafka si uu xisbiga uga sii mid ahaado, maaddaama uu miisaan ku lahaa xisbiga.

Xigasho Wargeyska Warsugan
Warsugan15@gmail.com
warsuganmedia@gmail.com
Hargeysa/Somaliland/Office