Guul usoo hoyatay Umada somaliland

0
628

Guul usoo hoyatay Umada somaliland

Waxa maal mahan la sheegaya in aqoon yahan Mohamed ali bile uu ku biiri doon xisbiga talo dalka haya ee kulmiye taas oo dad badan oo somaliland ah is waydiinayaan sababta uu ugu biirey isago oo wali sheegin sababaha ku kalifay inuu xisbiga talada dalka haya uu ugu biiro iyagoo dadku u aaneenaya inuu xisbiga kulmiye si dad ban ugu jiray balse imika uu cadeeyay sido kale dadkana loo baayaamiyay inuu ka mid yahay .

Aqoon yahan mohamed ali bile inta aqoon dadku u leeyihiin waa nin hawl kar ah in badan kasoo shaqeeyay wadanka dibadisa iyo wadanka gudihiisa xaalada badan oo uu wadanka somaliland soomaray si wanagsan ugu war haya mana aha shaqsi dibada inaga imi oo maanta qurba joog ama qariib ku sheegi karno balse waa shaqsi in badan horumarka dalka kuso jiray isago hawlahiisa shaqo ku gudo jira.

Hadaba aqoon yahankan waa shaqsi uu wadanku u baahna in badan dhalinyarada somaliland sugayeen goorta uu siyaasada wadanka ka qayb noqon laha , xalka loo raadinayo dhibaatooyinka wadanka haysta ee qabyaaladu ka kow tahay inuu kamid yahay dadka ka qayb qaadan qayb laxaadleh.

Xisbiga talada haya ee kulmiye ama labada xisbi ee mucaaridka ee Ucid iyo Wadani aqoon yahanku kuu ku biiraba waxaan aamin sanahay in maanta somaliland guul usoo hoyatay maadama dad badan oo dhalinyaro ah ay eegi doonan habka uu uga qayb qaato horumarka iyo ka hor taga dhibaatooyin badan oo dalka ka jira halka uu kaalintiisa kaga qayb qaato.

“#Aqoontu #Nolosha u #Adeegto” .(Mohamed ali bile)

WQ: Mahedi ismail

Gmail: Mahedi.alsomal@gmail.com