HADALKA XILLDHIBAAN SICIID CILMI ROOBLE WAXUU GAF KU YAHAY QARANIMADA, MIDNIMADA IYO WADAJIRKA,BULSHO WAYNTA S/LAND. RUN IYO RAAD RAAC‏

0
372

Waa wakiil go”aansaday

Dalka in uu gumeeyuu–

Gobol Gobol u qaybshuu

Gacalkiyo sokeeyuhu

Ay kala go”aanoo

Gobonimada qarankani

Goblan ay ka yeelaan

Erayadii Iyo Qalinkii Abwaan Sacad X Maxamuud Gadhle Gabiley S/land

Waa qormo garsheega oo gujo iyo goolaaftanba laga ilaashay, waa godolkii abawaanka iyo gorfayntii qalin maalka oo gees u wada jeeda, waa qormo guubaabo ah oo loogu gacan haadinayo inta guraca u talisa,inta samaha garab martay ee guurguurka Xisbiyada Siyaasada lagu yaqaano, waa qormo waji gabax ku noqon doonta inta danta gaara ku mashquulsan ee Maalgalinta iyo Horomarinta Dakada Barbera ka soo horjeeda, waa qormo galbis iyo bogaadin u noqon doonta masuulka xilkiisa gutay, waa qormo guulwadayn ay u arki doonaan inta muranka ka ganacsata ee aragtida gaaban , waa gantaalo ku jihaysan inta fikirka guracan ee gunimada jecel ee u tafo xaydan in ay wiiqaan Qaranimada, Midnimada iyo Wadajirka Bulsho Waynta S/land, waa qormo loogu digayo inta goolaaftanka ka wada warbaahinta Madaxa Banaan ee go”aansaday in ay gumeeyaan Qaranimada S/land, waa qormo aan ugu quus goynayo gar ma qaatayaasha iyo inta geesinimo u haysata Dalka oo Gobol Gobol loo kala sheegto, waa guluf ku jihaysan guruubka isku bahaystay Maangaabka,War xumo tashiilka , Gurac u taliska ee Laba Gardaaqa ku caano maalay ee guusha u haysta in uu ka gaabsado in la gar siiyo ka garta leh ka gardarana la qabto, waa qormo loogu gogol xaadhayo guusha Labaad iyo goolasha badan ee doorashada Madaxwaynaha ay ku badin doonaan Murashaxiinta Xisbiga Kulmiye Muj Muuse Biixi Cabdi iyo C/raxmaan C/laahi Ismaaciil {Saylici } hadii ALLE yidhaa, hadaba araartaa aan gundhiga uga dhigay qormadaydu halkaa ha joogtee waa mar kale iyo falanqayntii Qurba joog iyo Qodaal joog.

Qodaal joog : Wakiilkii gar maqaate gafkan uu u badheedhiyo weedhuhuu ku dhawaaqay ma maqlaysay qurbaawi ?

Qurba joog : Murugaan gami waayee hadalkuu ku dhawaaqay dhagtu way maqal daysay .

Qodaal joog : Waxaa hubaala in hadalkii Xilldhibaan Siciid uu gaf iyo meel ka dhac ku yahay Halgankii dib u xoraynta iyo Qaranka S/land dhagxumana ka raaci doonto.

Qurba joog : Hadalka Xilldhibaanku waxuu muujinayaa in uu gudbinayo fariimihii Gumaystaha Qarsoon waxaanu go”aansaday in uu dalku Gumoobo oo Gobol Gobol u qaybsamo sida hadalkisa ka muuqata.

Qodaal joog : Waxaa hubaala in Xilldhibaanka iyo Gudoomiyihiisu heshiis toosa la soo galeen Gumaystaha Qarsoon markaad qiimayso hadaladan Qaawan ee Qaran dumiska ah ee uu ku dhawaaqay.

Qurba joog : Sidoo kale Gumaystaha Qarsoon waxuu heshiis la galay Masuuliyiinta Xisbiga Mucaaradka ee Wadani heshiiskana waxaana u saxeexay Xilldhibaan Siciid iyo Gudoomiye C/raxmaan Ciro sida tixdani tilmaamayso.

Inkastuu gumaystuhu

Dhibtuu gaystay badan tahay

Gayaankiis ma waayoo

Gacantuu u haadshaa

Halkan lagu galbinayee

Gaaf iyo aroosiyo

Giblo looga tumayaa

Guri nabada maahee

Waa goob colaadeed

Qodaal joog : Heshiiska Gumaystaha Qarsoon iyo Madaxda Xisbiga Wadani waxuu buddhigiisu yahay sida tixdani tilmaamayso.

Guuxaan maqlaayiyo

Gujadiisan badaniyo

Goolaaftankuu wado

Waxuu uga golleeyahay

In uu xadhiga goostuu

Xeerkiyo distoorkiyo

Golayaasha qarankaba

Gabi dheer ka xuuroo

Goldoloolo kaa helo

Qurba joog : Masuuliyiinta Wadani ee heshiiska la gashay Gumaystaha Qarsoon Waxaa qorshahooda ka mida sida tixdani tilmaamayso.

Waa koox gardaranoo

Gayigiinan nabada ah

Gubistiisa jeceloo

Bulsho lagu gabood falo

Gashi badan ku yeeshoo

Gasariiray waa hore

Qodaal joog : Xilldhibaanku wuxuu noqday Masuulkii u horeeyay ee ku dhiirada in uu fuliyo Talada guracan ee Gumaystaha Qarsoon sida tixdani tilmaamayso

siciid-150×150.

Waa wakiil go”aansaday

Dalka in uu gumeeyuu

Gobol Gobol u qaybshuu

Gacalkiyo sokeeyuhu

Ay kala go”aanoo

Gobonimada sharafta leh

Goblan ay ka doortaan

Qurba joog : Gumaystaha Qarsoon waxuu hanti ugu gargaaraa ama uu guneeyaa Masuuliyiinta Maan gaabka ah ee Wadaniyadu ku yar tahay sida Masuuliyiinta Xisbiga Wadani ee tixdani tilmaamayso .

Dadkuu badi guneeyee

Hanti ugu gargaaraa

Maangaabka weeyoo

Gofanaha sidiisuu

Garashada ka nuuguu

Wanaaguu ka gudhiyoo

Gar ma qaate weeyaan

Qodaal joog : Aragti Caalami ah oo Aqoonyahanku ka midaysan yihiin ayaa tidhaa Dall waxuu Burburaa marka hogaamiyaasha Dhaqanku ay iska Tuuraan Milgaha Dhaqanka iyo Xurmada wada noolaanshaha Bulshada kana aamusaan Qofka xun ee Wadanka Burburinaya sida tixdani tilmaamayso .

Gidi madax dhaqmeedkiyo

Garaadkiyo suldaankiyo

Guurtiyo wakiilkiyo

Odaygii gufaynlaa

Ma arkaan gafkoodoo

Badi wuu ka gaabsaday

Waana loo gargarayaa

Erayadii Iyo Qalinkii Abwaan Sacad X Maxamuud Gadhle Gabiley S/land