Khilaaf ka dhex oogan la taliyeyaasha Trump

0
356

waaxa qorey yaasir

Isagoo weli ku guda jira dhismaha maamulkiisa cusub ayaa Donald Trump wuxu magacaabay laba xil oo derejo dhexe ah.
Haweenayda la yidhaa Kathleen Macfarland oo arrimaha siyaasadda uga faaloota TV-ga garabka midig u janjeedha ee Fox News, ayaa loo magacaabay ku xigeenka la taliyaha nabadgelyada qaranka.
Garyaqaankii ololihii Trump, Don McGahn, ayaa isna noqon doona qareenka Aqalka Cad.
Waxa kaloo jira warar sheegayay in la taliyeyaasha sarsare ee Trump ay isku mari la’yihiin cidda qabanaysa xilka muhiimka ahee xoghayaha arrimaha dibadda. Af-hayeenka Trump, Kellyann Conway, ayaa ka soo horjeedsatay qorshe la damacsanayaa in mid ka mid ah xubnihii xisbiga dimuqraadiga ee Trump aad u dhaliilayey oo ah Mitt Romney loo magacaabo jagadaa.